Xisbiga Waddani ma reer baa mise waa qaran?

Xisbiga Waddani ma reer baa mise waa qaran?

 Waddani logo

Waxaan  halkan ka salamaynaa bulshawaynta Somaliland oo u soo bandhigaynaa arrin ugub ku ah dhaqanka iyo Siyaasada Somaliland.

Salaan kadib, cuqaasha, waxgaradka, dhalinyarada iyo aqoonyahanka reer Alaybaday, waxa aynu cambaarayn xoogan u diraynaa xildhibaan ka tirsan Xisbiga Waddani oo  ka hadlay hadal aan gayin reer Alaybaday iyo guud ahaan Somaliland.

Aflagada xoog ma wax issaga ku eg baa mise waa siyaasada jadiidka ah ee xisbiga Waddani?

Cabdiraxamaan Xoog waa nin afku xoogle ah , qabyaaldista ah oo la ordaayo xaalad abuur iyo isku dir beelaha Somaliland, Waxaa la ogaa berigii Dowaladii Rayaale  in uu la  baxay Baskoolad Barlamanka Gudihiisa issaga oo  ku gafay Shurucda Waddanka  gaar ahaan  ta Baralamaanka.

Afxumada  Xildhibaan xoog ee ku doodaya in uu Xisbiga waddani uu yahay Qabiil issaga oo ku hadaaqaya in uu Wasiirka Cali Warancade Wadani yahay maadaama ay isku xaafad yihiin. Waxaan  u sheegi lahayn in Nin waliba oo wasiir ah in uu xaafad ka tirsan yahay.  Wasiir Samaale waa  nin reer Allay baday ah , waa nin wajaala ah, waa nin reer gabiilay ah waa nin reer hargisa, waa nin qaran ah.

Cadalada masuulkan waddani , waxa ay ka dhigtay ninna  wadani maadama uu xaafada ka tirsan yahay,  nina waxa uu ka helay aflagaado maadamu uu ka soo jeedo Xaafad kale. Akhristow  Warancade iyo Samale miyaanay ka tirsanahay Dowalda Somaliland , maxaa kala duway?

 

 

ALAAH MAHADA LEH

Gudida reer Alay baday ee London

 

 

Zeid450@hotmail.com