Xisbiyada Wadani Iyo Ucid ee Qaradaha Yurub iyo Ameerika oo Canbareeyey falkii ciidamada RRU kula warageen Xaruntii Hido dhawr ee lagu qaban lahaa Xuska Mujaahidiinta SNM.

unnamed
Shir deg deg ah oo ka qabsoomay xaga telphone conference ka oo ay isugu yimaadeen tageerayaasha Xisbiyada Ucid iyo Wadani ee Qaradaha Yurub iyo waqooyiga maraykanka ayaa lagu faaiiqday marxaladaha kale duwan ee wadankii Somaliland ku sugan yahay iyaga oo sidoo kale si kulul u canbareyey falkii foosha xuma ee ay ku kacday dawlada Silaanyo iyada oo isticmaalaysa Cidamada RRU ee ay kula wareegtay Xaruntii Hido dhawr ee ay maamusho Sahra Halgan, halkaas oo ay maanta doonaysay in ay xus gaar ah ku qabto si ay u weynayso mujaahidiintii  SNM ee u soo halgantay Wadankeena Somaliland. Waxa ay isla qaateen xisbiyada Wadani iyo Ucid sida an marna loo aqabli karin in ciidamadii ilaalin lahaa bulshada somaliland loo isticmaalo oo dadkii dalkan iyo dadkan u soo halgmay loogu bahadilo taas oo ayna mutaysan.

Waxay kale oo ay canbareyeynayaan sida habeen iyo maalin ay xukumada silaanyo ay ugu xadgudbayso xaquuqda muwaadininta iyo xadhiga iyo cagajugleynta suxufiyiinta iyo boobka hantida dadweynaha ee ay xukumada silaanyo goor kasta ku kacdo iyada oo aan cidna loo aabo yeelaynin.

Guntii iyo gebogadii waxay xisbiyada ay u soo jeedinayaan xukumada silaanyo in sida ugu dhakhso badan ay ciidamada uga qaado xarunta hido dhawr iyo weliba goobaha kale ee xarumaha wargeysyada sida haatuf iyo hubaal ee ay ciidamadeedu ay la wareegan iyo in ay ilaaliso amniga muwaadininta iyo ku dhaqanka sharciga dalka u yaal.
sidoo kale waxay ugu baqayaan dawlada in si dhakhso leh ay u qabto doorashooyinka si ay dadku u helaan xaq ay u leeyihiin in ay codeeyaan.
Ugu danbeyntii, waxay labada xisbi bulshada somaliland u soo jeedinaysa in ay sabraan ayna sugaan waqtiga doorashada si ay isaga dulqaadan nidaamkan caadaystay ku tumashada sharciyada dalka inta ka horeysana ay adkeystaan nabadgalayadooda.

Allah mahad leh
Saeed A dualeh
Xidhiidhiyaha Xisbiyada UCID/Waddani ee Shirka telconference ka
Bristol. UK.

 

 

Â