Xoghayaha Kalumaysiga iyo Khayraadka Bada ee Xisbiga Ucid oo cambareyey Xukumada Somaliland Ciidamada sida bilaa sharciga loo diiwan galinayo Hanbalyona u diray Shacabka Somaliland Munasabada Ciida

UCID

Xoghaayaha kalumaysiga iyo Khayraadka Bada ee Xisbiga Ucid Mudane Cabdilaahi Cumar Xuseen Shaqale oo qoraal soo gaarsiyey Warbaahinta oo u qornaa sida tan; Waxaan Hanbalyo u dirayaa Munasabada Ciidal Adxa  Shacabka  reer Somliland meelkasta oo ay ka jogaan dunida .

inta ka dib  waxaan racinaya digniin aan dawlada somaliland uga digaayo keenista ciidamada la samaynayo ee ilaalinta shirkadaha baadhaya khayraadka  ee aan meela kaga jirin distoorka dalka kuwas  oo looyaqaano (calooshoda ushaqaysteyal) waxana aduunka looga yaqaana(Mercenary) kuwaas oo keliya ka Amar qaatan  sharkadaha  ay u shaqeeyan  waxay keenidonta inaan dawladu mamuli karin iyaguna aanay dadka iyo dalka midna aanay u nixi doonin waxa had iyo jeer sida la ogyahay ciidamada privitka ah sida kuwan oo kale in ay yiihiin  qaar aan dadka iyo deeganka aan ku wanaagsanayn marka waxaan aad canbaaraynayaa keenistooda.shicibka reer somaliland  waxaan uga digaynaa Kenistooda  shacabka reer somaliland waxaan leeyahay dalkiina khayraadkiisa iyo  badiisa  iyo kiisa barigaba waayo waxii khalad ku bilaama khalad ayey ku dhamadan ee aan dasturka wafaqsanyn waayo dhibta ka timaada shicibka ayey kusoo noqonaysa iyo deeganka. waxaan leeyahay ka hortaga oo iska hubsada inta aanay dhibaatadu  udin ku dhicin. waxaan ilaahay uga baryaya in  dawlada xaqa garansiiyo oo ay daayan hagardamada shicbkooda
wanaagsan ee sida sharafta leh ugu codeeyey. wabilaahi towfiiq .

Cabdilaahi Cumar Xuseen (Shaqale)
Xoghayaha Kalumaysiga iyo Khayraadka Bada ee Xisbiga Ucid