Xoghayaha Kalumaysiga iyo khayradka Bada ee Xisbiga Ucid oo Canbareyey Hadalo ka soo yedhay Wasiirka Kalumaysiga iyo Khayradka Bada Somaliland Socdalo uu ku Tagay Gobolada

UCID

London 31Oct14 Xoghayaha Kalumaysiga iyo Khayraadka Bada ee Xisbiga Ucid ayaa ka war bixiyey war bixin uu wasiirku Kalumaysiga iyo Khayraadka Bada Somaliland safaro u tagay gobolada iyo xeebaha s/land Xoghayaha oo qoraal soo gaadhsiyey Warbaahinta ayaa waxa ku bilabay hadalkiisa waxanu is waydiinay in Wasiirku uu hore u ahaa wasiir iyo in imika lo dhiibay xilka waayo waxaad mooda in aanu horeba aanu wasaarada warba ka hayn sida uu hadalka u dhigay waxa uu wasiirku cadeeyey in ay jiraan Kalumaysato aan u dhalan s/land inay ka kaluumaysato xeebaha Dalkeena oo anu ka war hayn ayna gacancsadta s/land ku cidhiidhyeen suuqi kaluunka iyada oo aanay jirin kaluunka s/land lageeyo Muqdisho Taasina waxay keentay in ay howlgab ka dhigto kaluumaysatadii s/land .

Wasarada kuluumaysugu waxa ay jirtay afar sandood markaasana waxii waxba ay ka qaban kari waayeen wasiirku ku eedeyey dadka masaakiinta ah oo uu yidhi marmarka qaarkood ayey kaluumasatadu joojiyaan shaqada oo aanay waxba soo saarin waxa kale oo uu ku daray Wasiirku in ay kaluumaysatada haysato qalab xumo taasina waxa ay cadaynaysa in uu wasiirku danbi uu leeyahay ku canbaareeyey danyarta kaluumaysatada ah isaga oo hore u yidhi gobol walba waanu u dhamaystirnay qalabka lagu kaluumaysto oo ay ka midyihiin kaluumaysatada reer lasqoray. imika iyo haatana waxay kaluumaysatada reer s/land waxay u baahan yihiin in loo sameeyo tababro iyo qalab casriya oo ay wax ku soo saraan waxay u bahanyihiin in loo sameeyo iskaashi iyo suuqayn (marketing) iibgeyin debeda ah
Xisbiga Ucidna waxa uu diyaar u yahay inaan kaa caawiyo hawlahaas kuwaas oo dalka horumarkiisa ah dhamaanteeba inagu waajib ah .

XOGHAYAHA KALUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADA EE XISBIGA Ucid
Cbdillahi Cumar Xuseen (Shaqale)