Xoogaga Shabaab oo dilay laba nin oo basaasnimo ay ku eedeeyeen

alshabaab

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Cabdalla Biroole oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose, kuna dhaw Magaalada Kismaayo , Al Shabaab ayaa labo ruux halkaasi ku dilay.

Labadaan ruux ee Shabaab ay ku dileen deegaanka Cabdalla Biroole, ayaa waxa ay guryahooda kala baxeen xalay, waxaana dadkaan la sheegay in Shabaab ay qoorta ka gooyeen.

Labada ruux ee Shabaab ay qoorta ka gooyeen, ayaa waxa ay ku eedeeyeen inay jaajuus u yihiin ciidamada Kenya iyo kuwa Maamulka Jubba oo guluf colaadeed uu kala dhaxeeyo Xoogaga Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa soo warinaya in labada ruux ee Shabaab ay qoorta ka gooyeen ay ahaayeen dad xoolo dhaqato ah oo kamid ahaa dadka deegaanka Cabdalla Biroole.

Falkaan ayaa wuxuu argagax iyo naxdin ku abuuray shacabka deegaanka Cabdalla Biroole oo muujiyay baqdin badan oo ku aadan in Shabaab ay dad kale falkaan oo kale u geystaan, maadaama labada qof ee Shabaab ay qoorta ka gooyeen aan loo haynin cadeymo muujinaya in jaajuusiin ay ahaayeen.

Deegaanka Cabdalla Biroole oo Qiyaastii Magaalada Kismaayo u jira 50-km ayaa Isniintii laga saaray Shabaab, saacado ka dib ayay dib u qabsadeen, kadib dagaal ay kusoo qaadeen deegaankaasi.

Maamulka KMG ee Jubba weli kama aysan hadlin falkaan Shabaab ay ka geysteen deegaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada hoose.

Salaanmedia/Moqdisho