Xukuumada Siilaanyo Oo Xabsiga U Taxaabtay Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Xisbiga Waddani oo dhaliilo soo jeediyey…

NEWS
Hargeysa-(SM):-Xogahayaha Xanaanada Xoolaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xasan Axmed Goodaad,ayaa Xabsiga loo taxaabay kadib markii uu dhawaan dhaliilo ugu jeediyay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan(Saleebaan-Gaal).
Xukuumada Somaliland ayaa dhibsatay Dhaliilo xoogan oo uu u jeediyay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan-Gaal sida ay ugu badheedheen in ay  xulafo la noqdo Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo Garabka Xildhibaana Wakiilada ee ka dhanka ah Gudoomiye-ciro. 
Xasan Axmed Goodaad oo katirsan Gudida Fulinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa hada ku xidhan Xarunta C.I.D. ee Magaalada Hargeysa,waxaana la sheegay in loo diiday in lagu booqdo halkaasi waxaanay wararku tibaaxeen in Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade si gaar ah ugu balamiyay,Ciidanka C.I.D.
Masuulkan ka tirsan Xisbiga Waddani ayaa loo diiday in ay soo bookhdaan Ehelada iyo Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, taas oo xadgudub ku ah Xoriyada Muwaadinka.
Salaanmedia/Hargaysa