Xukuumada Somaliya oo dalalka deriska kaga digtay firxadka Ururka Al Shabaab (SAWIRRO)

 

Xilli hawlgal culus oo ka dhan ah Ururka Al Shabaab uu ka soconaayo dalka Somaliya, ayaa waxay Xukuumada Somaliya dalalka deriska ah kaga digtay in uu saameeyo firxadka Ururkaasi.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Somaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo maanta image kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa dalalka deriska ugu baaqay inay ka feejignaadaan firxadka Shabaab.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay inaan la joojin doonin gulufka militari ee xilligaan ku foorara Ururka Al Shabaab, ilaa iyo inta laga saaraayo goobaha ay ka jooggaan dalka.

“Hawlgalka Militari ee socda ujeedkoodu waa in xididada loogu siibo Al Shabaab, sababtoo ah waxay khatar weyn ku hayaan Soomaalida ku nool aagaga ay gacanta ku hayaan. Hawlgalka waa socon doonaa inta laga sifeynaayo dalka.” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Somaliya.

Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed, ayaa waxa uu baaq u jeediyay dhalinyarada ka barbar dagaalameysa Ururka Al Shabaab, iyadoo uu ugu yeeray inay ka faa’iideystaan mudada 45-ka cisho ah, ee ay u qabatay Xukuumadiisu inay isugu soo dhiibaan.

“Waxaan mar labaad ugu baaqayaa dhalinyarada ay khaldeen argagixisadu in 45-tii cisho ee Xukuumadu u qabatay weli aysan dhammaan, kuwa weli dagaalamaya ee la joogga waxaan ugu baaqayaa inay fursadaas ka faa’iidaystaan.” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliya C/laahi Goodax Barre oo ka barbar hadlaayay Ra’iisal Wasaaraha, ayaa dhankiisa sheegay inay isku furi doonaan Degmooyinka iyo Gobolada laga saaro Ururka Al Shabaab.

Salaanmedia/Mogdisho