Xukuumadu waxay jebisey oo baalmartey heshiisyad​ii ay la gashey Xisbiyada mucaaridka​, Deeqbixiya​yaasha iyo dawladaha saaxiibada la ah JSL qalinkii A/rahman fidhinle UK

maqaal

Waxaa marag madoonto ah oo shacabka JSL dareen mug leh ka qaateen in Xukuumadu utafoxaydatey carqaladeynta iyo cago jugleynta hawlaha doorashooyinka ee mugdiga galey ee is barkan si ay uxalaaleysato mudo kordhis iyo cimri dherersi , Hadii doorashooyinku ku qabsoomi waayaan waqtigii loogu talo galey oo ahaa 26/06/2015 waxaa dhaawac weyn oo dhiig bax ahi uu soo gaadhayaa giraantii geedi socodka qadiyada iyo dimuqraadiga yab-yabka ah ee JSL. Bal nala wadaaga qodoban hoose ee ay Xukuumada Siilaanyo ku gel-gelimeysatey ee ay burburisey:

1- Waxay burisey heshiisyadii ay la gashey labada xisbi qaran ee mucaaradka ah
2- Waxa ay jebisey heshiisyadii iyo shuruudihii ay la gashey Deeqbixiyayaasha inaga caawiya kabista kharajka doorashooyinka
3- Waxa ay burisey heshiisyadii ay la gashey dawladaha saaxiibka la ah JSL sida Eithopia iyo Ingiriiska.
4- Iyada oo ay 8 bilood oo keliya ka hadheen waqtigii  doorashada loo cayimay komishankii qaranka ee cusbaa ilaa iyo hada  lama howl gelin oo lama ansixin diyaarna uma aha xukuumadu in la asixiyo oo la hawlgeliyo.
5-  Waxay burisey ansixintii Xeerkii Diiwaangelinta codbixiyayaasha ee xr -37 oo hadba ay ku  soo xafuujineyso muska iyo miscirirta  xaydaabka aqalka madaxweyne ku xigeenka
6- Diiwaangelintii Madaniga aheyd oo ay ku qalaxey Diiwaangelintii Codbixiyayaasha oo time la qabto aan loo cayimin.
7- Waxa ay ku durdurisey oo dhex-dabaalatey kala madax-banaanshihii iyo kala xadeyntii 3-dii  waaxood ee dawladnimada bud-dhiga u-ahaa sida Xeer-deginta, Garsoorka iyo Fulinta,
 Xukuumada Siilaanyo waxay faro gelin qaawan ku sameysey unugii qaranka ugu sareeyey oo ahaa Dastuurkii iyo labadii Gole ee xeer dejinta oo kala ah Baarlamaanka iyo Guurtida. Qodobka 60-aad ee dastuurka qaranka farqadiisa 1-aad wuxuu leeyahay Awooda xeer-degintu waxay gaar utahay labada gole ee baarlamaanka, farqadiisa 4-aad wuxuu isna leeyahay xilgudashada golaha baarlamaanku wuxuu ku saleysan yahay dastuurka qaranka iyo xeerar hoosaadkiisa, faraqada 6-aadna wuxuu  leeyahay labada gole baarlamaan oo kala aha Guurtida iyo Baarlamaanku waxay wada yeelanayaan fadhiyo ay wadaagaan iyo qaar gaar gaar  ukala ah, tusaale ahaan waxay wada jir ushirayaan marka ay yeelanayaan doodaha la xidhiidha Xeerarka deg-dega ah sida xeerkan hada la isku haysto ee diiwaangelinta codbixiyayaasha  xeer 37 oo ilaa hada aan salka loo dhigin kadib markii ay xukuumadii dhex dabaalatey ee ay usoo faragelisey si sharciga wadanka baalmarsan oo ay mudo korodhsi ku xuuraamineyso.
 Arimahan cakiran ee maanta dalka ka taagani waxay ka markhati kacayaan in ay Xukuumada Siilaanyo xididada usiibtey arkaantii JSL ku taagneyd oo uu ugu horeeyo Dastuurkii qaranku, wada tashigii ,talo wadaagii, iyo kala xadeyntii waaxihii dawlada oo ay ku milantey,Waxay xukuumadani hoos udhigtey oo sii gudhisey rajadii karaamadii iyo kal soonidii iyo hankii shacabka JSL, waxaana ay goljilicda ka wareentey oo ay dhaawac xun gaadhsiisey geedi socodkii qadiyada JSL taas oo ay cadowgii JSL ufududeysey siyaabihii ay udabri lahaayeen ololihii loogu jirey qadiyada iyo ictiraaf-raadinta wadanka waa hadii aan doorashada waqtigeeda aan lagu qaban.Danta guud ee  qaranimada JSL waxay ku jirtaa maanta iyo beriba in wadanka la badbaadiyo oo lagu soo dabaalo  milgihii dawladnimo iyo kefedii miisaanka ee sharciga oo hada noqodey mid hintaaqmey oo dhinac uciirtey.
Alleh ayaa mahad leh
Waa-lahum-Aclam Waa-bilaahi Towfiiq
Wehelkiin Waa Alleh & Nebi (scw)
Qalinkii A/rahman fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive ED-BD-PA
United Kingdom
London