Xulashada Komishanka Doorashooyinka Ma Silaanyo ayaa Dar jiidhay Mise Xisbiga Wadani bal adba Akhri oo ka garnaq?

Xulashada Komishanka Doorashooyinka Ma Silaanyo ayaa Dar jiidhay Mise Xisbiga Wadani bal adba Akhri oo ka garnaq?

maqaal
Marka hore Ummada Somaliland guddo iyo dibeddba ASCWB, Inta ka dib, waxaan doonaya inaan bulshada u iftiimiyo khaladka u sameynayo madaxweynihii ummadu u doortay sharciga in uu ilaaliyo ee isaga iyo inta la shaqeysa dadka u haystan caamo aan ujeedin dhagaraha ay u maleegayaan qarankan somaliland.

Akhristow si aad u fahanto bal akhri xeer Lr.20/2001 oo ah xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha degaanka oo si waafiya kugu bayaamin doona sida sharci darada ah ee muwaadiniinta xuquuqdooda loogu tumanayo ee sharcigana loogu laafyoonayo iyada oo la is indho tirayo iyo weliba sifaha qayrul sharciga ah ee madaxweynuhu u magaacbay xubnaha uu u cugtay inay noqdaan kuwa u matalaya komishanka doorashooyinka somaliland iyo soo celinta aan meelna haysan ee Xubinta Xisbiga Wadani waa Dr. fadal.

Marka hore ay soo qaadano sida u dhigayo Xeerka Doorashooyinka madaxtooyada iyo G/Degaanka  (Xeer Lr. 20/2001),gaar ahaan qodobkiisa 11aad oo si dhameystiran uga hadlaya Shuruudaha Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo ah :
1. komishanka wuxuu ka koobnaanaya 7 xubnood oo kale ah:
(a) guddomiye iyo 6 xubnood
(b) Gudoomiyaha & G/ xigeenka komishanka ayaa iska dhex dooranaya
(c) Mudada xilka ee komishanku waa 5 sano oo ka bilaabmaysa marka golaha wakiiladu ansixiyo, waana loo cusboonaysiin kara xilika.
(d) 
shaqaale dawladeed, xubin barlaman, xubnaha golaha wasiirada , ciidan qaran iyo xubin xil u haysa xisbi/urur ka mid noqon karin komishanka.
2.  komishanka doorashooyinka waxa magacabaya madaxweynaha jsl ka dib marka uu helo soo jeedimaha:
(a) 2 xubnood oo golaha guurtidu soo xulo.
(b) 2 xubnood oo ay soo xulayaan ururada/ xisbiyada mucaaridka ah ee diwaan gashan.
(c) 3 xubnood ee kale madaxweynaha ayaa soo xulaya
3. komishanka waxa cod kale badh iyo hal ah ( absolute majority) ku ansixinaya golaha wakiilada, marku guddi hoosaadka arrimaha guduhu soo hubiyo in ay buuxiyeen shuruudaha xeerku talimaamayo.
4. xafiiska dhexe ee komishanka doorashooyinka somaliland waa caasimada hargeisa
5. komishanka xil-gudashadiisa wuxuu ku salaynaya dasuurtka iyo xeerkan.
6. komishanka wuxuu xilkiisa u gudanaya si madax banaan, lagumana sameyn karo wax faro gelin ah haba yaraatee.

Haddba , bal u fiirso qodobka 1aad faqaradiisa (d) waxay si toos ah u tilmaamaysa in shaqaale dawladeed, xubin barlaman, xubnaha golaha wasiirada , ciidan qaran iyo xubin xil u haysa xisbi/urur ka mid noqon karin komishanka, haddba ma anaga waalin mise cadanba laga heesaya, sadexda Xubnood ee madaxweyne silaanyo magacayba laba ka mid ah waa Eng. Abdiqadir iimaan iyo Saeed Ali Muse labaduba waa shaqaale dawladeed oo midna yahay la taliye Wasiir xirsi ee Wadooyinka madaxtooyada la hoose geeyey, welibna ah xubin fulinta xisbiga kulmiye ah iyo Suxufi saeed Ali muuse oo ah afhayeenka Wasaarada arrimaha dibeda, mid cadeeyey inuu ka tagay shaqadiina ma jiree weli waa shaqeynayaan, haddba madaxweynaha sharciga tusay celinta Dr. fadal ee labadan arki wayay bal bulshada Somaliland ha u fasiro madaxweynuhu? , halka uu Dr. fadal baneeyey xilkii arrimaha dibedda ee u Xisbiga Wadani u hayay.
Ku darso, Sida ka muuqta qoraalkii soo celinta Dr. fadal wuxuu madaxweyne silaanyo ku qoray wareegtadiisa inaanu cuskan sharci soo celinta dr. fadal, haddba dadka cadeeyo madaxweynuhu sharciyada diiday Dr. fadal?.
keliya waxa lagu diidan yahay Dr. fadal waa nin uu og yahay inuu aqoon durugsan u leeyahay 
komishanka doorashooyinka iyo hayadaha caalimiga ah ee la shaqeeya sida Interpeace iyo IR iyo wadamada qaadhan bixiyayaasha ah ee ay wada shaqeynta ka dhaxeyso komishanka doorashooyinka Somaliland. Waa nin ay madaxtooyadu og yihiin in aan ka yeelaynin xatooyada ay doorashada la damcsan tahay xukumada Silaanyo.

Ugu danbeyntii, waxa cad in madaxtooyadii ay u tafo xaydatay in yab yabto komishan doorashooyin oo ugu shuba ileen waa hubaal in aan cod danbe ka helaynin gabiley, borama, baligubadle, saaxil, hargeisa iyo togdheer iyo ceerigaabo oo ay khaati ka taagan yihiin nidaamkiisan qabaliga ah, ee cunsuriga ah, ee aan qiyam iyo akhlaaqad midna aan lahayn ee ku dhisan boobka hantida Ummada iyo ku tagrifalka awooda dawladeed. Bulshada Somaliland iyo Xildhibaanada Xorta ah ee golaha Wakillada waxaan ku boorinaya in la hor istaago sifaha khaldan ee jar iska xoornimada ah ee madaxtooyadu u xulanayso komishanka doorashooyinka somaliland ee masiirkii ummada la doonayo in ay u xaqsooraan.

Allah Mahad leh
Said A dualeh
UK