Zahra Halgan waa Fariida Qarniga oo magaceeda ayaa inagaga filan, ciddi xuska u diideyna weynnu ognay waxay ahaan jireen by Abdi Mustafe

sahra halgan

Zahra Halgan horta magaceeda ayaa inagaga filan (Ismahaa yakfiinaa) oo sharaxaad badan uuma baahna.Dowladana waxa inagaga filan RRU da ay meesheedii ku wareejisay. Cajiib …Xukuumadu cabanaa  oo fuleysanaa. Zahra taariikhda ay dalka ku leeday maaha mid qarsoon ee waata Youtube ka buuxda. Waxay ahayd halyeeyad ragga goob walba la taagan ama ha dagaalanto ama dhaawac ha daweyso ama heeso guubaaba ah ciidanka ha daba qaado e. Waxa se la yaab le xukuumada saska ka qabta gabadh mujaahidad ah oo ku suntan halgankii SNM inay u diidaan inay qabato xuskii mujaahidiintii shahiiday.

 

Waxa intaaba ka xun ninka amarka soo bixiyey oo ah Cali Warancade oo isagu waagaa Zahra halgan oo yari garatay dalkaaga faqash ka xoree isagu wuxuu ka tirsanaa kuwii lala dagaala mayey, weligiina SNM muu noqon iminkana waa wasiirka arimaha gudaha .. Eesh qiyaasak….. Some times the world is crazy!!!  Waa sua’al da’ weyn oo madaxa daalineysa in kii dalka laga xoreynayey uu maanta mujaahidiintii yidhaa madaxa rasaas kaga dhufta ….Somali intaa kaga quuso. Sabata uugu weyn ee Zahra Halgan looga sasayaa waxa weeyaan Amina Weris oo cidiyaha ku dagaalanta oo beri hore dooneysay in ay Kulmiye soo gasho iyo Zahra oo waqtigan xaadirka ah xisbiga Waddani ka tirsan. Dumarka ay ka mid yihiin Fadumo Siciid iyo Zahra Halgan maaha dad la iibsan karo ee waa dad mabda’ le. 

Hadal iyo dhamaantii Zahra Halgan iyo mujaahidiin tii kale ee meesheeda is yidhi xuska ku qabta ee loo diidey ha samraan waxa iman maalin ay kuwa idiin diidey yidhaahdaan na qariyaaaaay inshaallaa.