13 nin oo Soomaali ah oo la soo taagay Maxkamad ku taala Magaalada Bristol

Saddex iyo toban qof oo Soomaali ah. ayaa magaalada Bristol ee dalka Britain waxaa maxkamad loo soo taagay dambiyo ah in ay gaysteen tacadiyo dhanka galmada ah, oo lagula kacay gabdho aan qaan gaar ahayn, waxaana tacaddiyadaasi ka mid ah kufsi iyo sidoo kale ka ganacsiga jirka gabdhaha.

Xaakimka maxkamadda, ayaa loo sheegay in shan ka mid ah 13-ka qof ay kufsadeen gabar 16 jir ah halka walaasheed oo 14 jir ahna uu kufsaday mid ka mid ah raggani.

Baaritaan ay booliska sameeyeen, ayaa lagu ogaaday koox kale oo Soomaali ah oo tacaddiyo u geysanayay afar gabdhood, kuwaasi oo la siiyay lacag gaareysa 30 gini iyo maandooriye si ay ula seexdaan rag ka da’ weyn oo ka tirsan bulshada Soomaalida ee halkaas deggan.

Maxkamadda, ayaa loo sheegay in gabdhaha qaar laga dhaadhiciyay in dhaqanka Soomaalida uu ka mid yahay in ragga ay gabdhaha kala beddeshaan.

Lix ka mid ah, ayaa xabsi lagu xukumay bilo ka hor halka toddobada kale la xukumay arbacadi la soo dhaafay.

Bulshada Soomaalida ee Bristol, ayaa arrintaasi cambaareysay, waxaana warbixin qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegeen in falkaasi uu yahay mid aan loo dulqaadan karin.

Xubnaha Maxkamada la soo taagay, ayaa magacyadoodu lagu kala sheegay Liibaan Cabdi, Carafaat Cismaan, Iidle Cismaan, Mustaf Diiriye, Saciid Sakariye, Mustaf Faarax, C/laahi Aadan, Maxamed Jaamac, Maxamed Jimcaale, Cumar Jimcaale, C/rashiid C/laahi, Maxamed Daahir iyo Yuusuf C/risaaq.

Somali la xiray

Source: BBC