24-nin oo Shabaab ah iyo hub ay wateen oo Kismaayo lagu qabtay

timthumb

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ciidamada maamulka KMG ee Jubba ayaa Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose,waxa ay kusoo qab-qabteen rag badan oo la sheegay inay Shabaab ka tirsan yihiin.

Howlgal ay ciidamada ka sameeyeen Magaalada Kismaayo gudaheeda, ayaa waxa ay gacanta kusoo dhigeen 24-ruux oo la sheegay inay Shabaab ka tirsan yihiin sida Saraakiisha ciidamada ay shaaciyeen.

24-kaan ruux ayaa waxaa lala soo qabtay hub la sheegay inay ku haysteen Magaalada gudaheeda, sida uu xaqiijiyay Taliyaha amniga Magaalada Kismaayo Maxamed Xasan Barre oo Warbaahinta la hadlay.

Sarkaalkaan ayaa wuxuu xusay in ragan lasoo qabtay bambooyin ay wateen gacanta lagu haayo, dhawaana loo gudbin doono maxkamada ciidamada Maamulka Jubba si sharciga loo marsiiyo.

Wuxuu kaloo ku waramaayo in ragaan ay qorsheynayeen inay weeraro ka geystaan Magaalada Kismaayo, balse ciidamada ammaanka Magaalada Kismaayo ay si qorsheysan uga hortageen ragaasi.

Hubka ugu badan ee ragaan lagu soo qabtay ayuu sheegay Taliye Barre inay yihiin bambooyin iyo bistoolado, ay dilal ku geysan rabeen, wuxuuna sheegay soo qabashada ragaan inay u sahashay wadashaqeyn ay shacabka ka heleen.

Kooxda Shabaab ayaa qaraxyo iyo dilal qorsheysan waxa ay ka geystaan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada Jubba iyo kuwa Kenyatiga.

 

Salanmedia/Moqdisho