6da arimood ee ugu mudnaa in xukuumadu wax ka qabto waa:

6da arimood ee ugu mudnaa in xukuumadu wax ka qabto waa:

unnamed

Marka hore waxaan salaanta islaamka ku salaamayaa umada reer Somaliland iyo umada islaamkaba.

Xukuumadu had iyo jeer waxay ku doodaa wax qabad, hadaba ma ogtahay xukuumadani sida arimuhu u kala mudan yihiin? 6’da wax ee ugu mudnaa in xukuumadu wax ka qabto waa:

  • Midnimada umada reer Somaliland ay midaysnaadaan iyo inla cidhib tiro lagana fogaado wax kasta oo keeni kara kala fogaansho iyo qabyaalad.
  • Ilaalinta iyo ku dhaqanka sharciga iyo in laysku ixtiraamo laguna kala danbeeyo sharciyada iyo qaabdhismeedka dowladnimo.
  • Cadaalaada iyo in loo sinaado sharciga, waajibaadka iyo ka faa’iidaysiga hantida qaranka noos casta oo ay tahayba.. shaqo bixin, qandaraasyo, cadaalad iwm. (rag cadaalad waayaa sidii hawsha kala yaac.. aayaa hore loo yidhi).
  • In la helo xoriyatul qawl iyo indadku hadli karaan oo aan la cabudhin saxaafada.
  • In shaqooyin loo abuuro dhalinyarada, si loo bad baadiyo kumanaanka bil walba tahriibta ugu madhanaaya saxaaraha iyo badaha dunida.
  • In si cilmiyeysan looga hawl galo ka midho dhalinta himilooyinka umada iyo sidii lagu gaadhi lahaa in la helo aqoosi dunida iyo wada shaqayn hufan oo lagu kalsoonaan karo.
  • Waxaan la soconaa in xukuumadii manta Somaliland ka talinaysay ee umadu u egmatay ilaalinta danta iyo hagista mustaqbalka umada reer Somaliland ay iyadii ilaalin lahayd ee dhawri lahayd ay ku tumato shuruucdii iyo hay’adihii sharciga dalka . 
  • In qabyaaladii circa isku shareertay iyo kala qaybsanaantii umada. 
  • In cadaaladaradii iyo tacadiyadii ugu badnay manta ka jirto Somaliland.
  • Inaan loo sinayn kheyraadka dalka ee ka jirto qaraabo kiil, boob iyo wada cun saaxiibtinimo. In ay jirto cabudhinta iyo car juuqdheh oo saxaafadii iyo dadkii shicibka ahaaba lagu xidh-xidhaayo wax ha sheegina.
  • Waxaan ognahay maanta shaqo la’aanta haysata dhalinyaradii iyo in tahriibtii xadhkaha goosatay. 
  • Citiraafna hadalkiisaba daayoo dalkii bad, hawo iyo dhulba si yar baa loola wareegay…
  • Waxaa ka wada dheregsanyey  in xukuumadu aanay  ixtiraamin in dalka sharci lagu hago oo lagu kala danbeeyo.  Iyadoo marka ay doonto, sida ay doonto ugu tagri fasha awooda dowladnimo iyo hantida umada mid ma guuraan ah, mid dabeeci ah iyo kaleba. 

        Waxaan ognahay in kheyraadka debiiciga ah ee dalkeena eebe ku manaystay si sharciga baal marsan ay u gurtaan oo ay uga faa’iidaystaan ashkhaas awooda dowlada adeegsanayaa. In lacago badan laga qaatay shirkado Petrol iyo qaar macdanaha kaleba heshiisyona laga galay, dhulna loo xidhay iyadoon wax sharci ah loo soo marin.

        Waxaa kaloon wada ognahay ciidanka ilaalinta shirkadaha shidaalka (OPD) ee hadda dhismahoodu socdo oo ah qaar aan sharciga dalka waafaqsanayn haba yaraatee, lana doonaayo in umada reer Somaliland lagu cabudhiyo, kheyraadka dalkana lagu gurto iyo in xukunka lagu sii adkaysto.

  • Sidoo kale waxaa muuqata inay si cad oo aan gabasho lahayn u hortaagan tahay in dalka doorasho ka dhacdo.

Haddaba sharci iyo qaran ay lugta jiidayaan oo ay duminayaan kuwii dalka ugu sareeyey uguna da’da waaweynaa  ee ilaalin laha, sidee buu u jiri karaa?  Bal idinka karaamo guurkan iyo dhalan roga ina haysta eega.

Isaga aqoonsi iyo ka hadalkiisa  meel baa lays kaga tiiriyey, ka dib markii lagu fashilay ee lagu guul daraystay ka qayb qaadashadii aan qorshaysnayn ee midho gurashada iyo lacag raadiska xukuumadu u gashay ama ka diimoon cawaaqib xumada siyaasadeed ee ay keeni karto. Dhaxalkeena waan aragnaa. 

Iyadoo bulshada caalamka maanta si badheedh ah uga tidhaahda madaxtooyada Somaliland dhexdeeda idinma aqoonsanin. 

Waxaan kaloo ognahay in aan waxba Somaliland laga weydiin marka laga ka tashanayso bada, hawada iyo kheyraadka dhulka ee cid kale lagala xidhiidho.Waana nasiib darooyinka siyaasadeed ee indho la,aanta xukuumadu sabab u tahay.

Haddaba waan aragnaa dhibtee maxaa xal ah?:

1.      Xalka ugu horeeyaa waa in mudanayaasha 2’da gole ee dowlada ku taageeraaya falalkaas foosha xun ee sharci jebinta ah cidii keensaday ay qabtaan oo runta u sheegaan. Xildhibaan kasta waa in caaqilkiisa iyo taageerayaashiisu uyeedhaa oo qabataa, waxaanay iyagu raali ka ahayna aanu ku talaabsan Karin xildhibaanku. 

2.       In mudaharaayo salmi ah (sharci loo maro) lagaga horyimaado xukuumadan oo lagu diido sharci jebinta, khalkhalka iyo fowdada ay dalka ku wado. Inaan marnaba laga ogolaand inay wax mudo kordhin ahi hirgasho, waayo waa ku dhabar jab qaranka.

3.      In lays hortaago ciidanka ilaalinta shirkadaha shidaalka (OPD) ee sharci darada ahi inay dalka ka hirgasho.

4.      In lays hortaago in dowlada noocan ahi wax wada hadal ah oo ku saabsan mustaqbalka dalka ay cid la gasho. Lagana soo saaro sharci ka xanibaaya in dowladu heshiisiyo saamayn ku yeelan kara dalka ay cid la gasho mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed toona. Waana in Golaha Wakiiladu ka howl galaan sharci noocaas ah oo xakameeya xakuumadan leyskuma haleeyaanka ah.

5.      Xildhibaanada  mustaqbalka la dooranayaa waa inay noqdaan qaar tayo iyo dadnimo leh oo laysku halayn karo, danta dalkana ka hor marinaaya, dantooda gaar iyo inay maalinba geed ka midhaystaan. 

6.  Ugu danbeyntii iyo talo, waa in dalka  shiqsi (qof) kasta oo da’diisu gaadhay  65 sano uu howlgab noqdo oo ka baxo shaqada umada  madaxweyne ha noqdo ama wasiir, xildhibaan iwm. Waana inay ruqseystaan oo howlgab (pension) galaan oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Siilaanyo iyo kuwa la cimriga ahiba.…. Wa bilaahi tawfiiq…maanta waa 11.11.2014

Omar Ali Abdi, Email Omar.A.Abdi@gmail.com