Adiguba caqlaad leedee mee madaxweyne Silaanyo. Caqalaad leedee maxay dowladu uuga hadli weyday aqalada la iibinayo by Abdi Mustafe

maqaal
Qof walow ba is weydii oo mee Silaanyo. Aduunka kama dhacdo madaxweyne qarsoon oon shicibka TV ga kala hadal. Silaanyo haday dhacdo een xaflad la keenana wuu aamusan yay ama warqad buu dirqi wax kaga akhriya yaa. Silaanyo farsamo heer sare ah ayuu ku socdaa oo marka dibada loo soo yara saarayo Gabdhiisa Nurse ta ahaan jirtay ayaa dawada uugu qiyaasta dhowr saacadood. Cid wal oo madaxtooyada ku aragtay waxay kuu sheegayaan in aan hadal ka soo baxayn. Intaa waxa u dheer in aannu dadka wejiya dooda xasuusan karin.
Waxaas oo dhamina denbigiisa maaha ee xaalad caafimaad ayaa la soo derestay oo ay ahayd in uu xanaano helo, hase yeeshee Amina Weris oo arxan goys ah ayaa diidan in uu nasto iyo in meelaha qaar laga qalo oo sii jeclaysanaysa in madaxtooyada ku sii jirto. Amina Weris walaal keed Cali Jirde oo soo koriyey ayey maanta dafirtaa ka dib markay maxkamad soo joojisay intaannu dhiman isagoo gaboobay oo kursi lagu riixayo oo waxay ku andacootaa waxa i soo korisay islaan reer Axmed Nuux ah. Intay nasab keedii ka tagtay bay sheegatay reera kale taasina waxay cadeyneysaa in aan Amina Weris ahayn qof sahlan ee ay kolba isu ekeysiiso halkay joogto.
Hadaba dalka ma jiro madaxweyne aan iyada ahayn oo Silaanyo gabow baa gondaha dhigay oo subax walba wax ka sii dhaca mooyaane waxba uuma soo kordhaan. Wasiiradii iyo kooxda qaloocan ee wakiilada nafi kuma jirto oo habeen walba madaxtooyada ayay ku shirisaa iyadoo le halkaynnu wax ka qabanaa si aynnu u sii fadhino xukunka. Meel u banaan oo ay wax ka qaban karaan ma jirto oo sidii faqashtii ayaa loo wada nacay. Mana dhici karto in ay dalkan sii xukumaan sababtoo ah si fool xun bay u maamuleen. Waxa guryo iyo hanti guud la leeyey dowlada ayaa iibisay mar qudha kamay hadal xukuumado. Dhega adkaan taasina waa waxa shicibku ku sii nacayaa. Maantana waxay marayaan in ay goilhii wakiilada yidhaahdaan ku shira guriga Saylici. Isku soo xoori oo marnaba dhici meyso in ay doorasho qaban waayaan hadii kale dhalin yarada ayaa sharciga gacan tooda ku qaadan oo madaxtooyada ka soo saari dadka huursan ee daalimiinta ah.  

Abdi Mustafe 

abdi_mustafe123@yahoo.ca