afar weriye oo laga xidhay Gabiley, Berbera iyo Garadag mudo isu dhow waa astaan xukuumad sii baqtiyeysa by Abdi Mustafe

maqaal

Laba weriye oo Gabiley laga xidhay iyo weriye Berbera laga xidhay iyo weriye Garadag laga xidhay markaad u fiirsato waxay xukuumadu uuga jeedo iyada lafteeda ayaan garanayan. Haday caqli leeyiin afar weriye wiig gudihii kumay xidhayn. Intaba waxa lagu heystaa mudaharaado iyo rebshado ay ka waramayeen. Xukuumadahu markay sii dhacayaan ee dadku naco ayey xadhig kula waashaan. Xukuumadanwaxaan ku jeclay iyagaaba dhicsta isu sahla ileyn dulmigii oo biiray baa madaxtooyada uugu galay e. Taliskan nuguli dhawaan wuu ina dhaafayaa ee u samra oo u adkeysta dulmiga iyagaa ku gubanaya e. Nin baa laga hayay ..

Kulu fitna cinda geel…. isagoo u jeeda dagaalda reer miyiga oo dhan waxa u sababa geela. Hadaba fitnadan weiya yaasha lagu xidh xidhayo waxa u sababa oo amarkaa bixisa Amina Weris oo moodeysa in cadceeda sacabka lagu qarin karo ayaa had iyo jeer tidhaa hebel u jawaaba kaana xidha iyadoo is le yaan la ogaan waxa dalka ka dhacaya. Amina Weris dhow-dhowdu umay dhicin. Doorasho madaxtooyadu diidi kartaa maanta ma jirto oo shicibkii lagu tuntay wuu baraarugay oo cid ka dhegeysanaysa waannu sii fadhiyeynaa ma jirto. Tartana maba geli karaan oo Silaanyo awoodiisu wey yartay oo hadal kuba waa ku dirqi oo kaga sii daran ee taageera yaashii Kulmiye wey ka yaaceen oo xisbiyada mucaaradka ah bay ku biireen. Amina Weris may moodeyn in la gaadhayo marxalad ay aragto qoyskooda iyo kooxda beenta u sheegta oo cidla taagan. Shicibku wuu ogyay in aan Silaanyo talin waxna la weydiin ee ay Amina Weris iyo dad ay ku shaqeysataa wadanka si fool xun u maamulaan. Hadii qasriga madaxtooyada lagaga raqsi jiray wadnahay dhag lee maantba ciil bay la duuduuban yiin dumarkii soo jeedka badnaa. Waa cusub baa u beryaya dhawaan inshaallaahu Somaliland oo waa laga reysan budhacd lacageedan dalkii xaalufisay een isba odhan afkan aa buuxsateen waa lawada arkayaa.

by Abdi Mustafe

abdi_mustafe123@yahoo.com