AFHAYEENKA XISBIGA WADDANI EE QAARADA YURUB OO KU SUGAN WADANKA KENYA AYAA XUKUUMADA KULMIYE UGA DIGAY INAY XOOG IYO BAQDIN-GELINTA MUWAADANIINTA XAL U MOODO.

AFHAYEENKA XISBIGA WADDANI EE QAARADA YURUB OO KU SUGAN WADANKA KENYA AYAA XUKUUMADA KULMIYE UGA DIGAY INAY XOOG IYO BAQDIN-GELINTA MUWAADANIINTA XAL U MOODO. 

qaism

Soomaaliland waxay dadaal iyo dagaalba ugu jirtay mudo dheer sidii ay uga midho-dhalin lahayd kalsooni u helida gooni isu-taageeda iyo madaxbanaanideeda si ay uga mid noqoto Dawladaha Aduunka ka jira, una hesho Ictiraaf ama aqoonsi buuxa. Hadaba si aynu u gaadhno gunta yoolka aynu higsanayno waxaa hubaal ah inaynu soo jiidhnay derbiyo waaweyn oo inagu gudbanaa, waxaana inoo saamaxay inaynu derbiyadaas dhaadheer ee adayga badan jebino waxay ahayd Isku-duubnida shacabkeena iyo Qunyar iyo Qurux u socodka xukuumadihii isa soo bedelay ee dalka soo maray. Waxaa ii muuqata in geedi-socodkeenani noqon doono midho-dhal hadaynu u samirno kana ilaalino wax-kasta oo kala qaybinaya shacabkeena, kana hor-tagno waxkasta oo shaki gelin-kara Aduun-weynaha aynu doonayno inay inoo aqoonsadaan Wadan buuxa oo Dimoqraadi ah lana saanqaadi kara Aduunka maanta.  

Hadaba, si aynu u gaadhno higsiga guusheena waxaa la inooga baahan yahay inaynu la nimaadno: 
a) Dowlad Dimoqraadi ah oo Cod lagu soo doortay ogolna in Cod lagaga qaado hogaanka 
b) Dowlad ku dhaqanta Sharciga Wadanka u yaal, shacabkeedana ku dhaqda 
c) Dowlad Tixgelisa kala-madaxbanaanaanta Hayadaha Dastuuriga ah ee wadanka iyo Xisbiyada Mucaaradka ah ee wadanka ka jiraba
d) Dowlad si Siman ugu shaqaysa waxna ugu qaybisa Shacabkeeda mucaarad iyo muxaafidba 
e) Dowlad ilaalisa Nafta, Maalka iyo Xuquuqda muwaadaniinteeda 
f) Dawlad danta Guud ee Dalka iyo Dadka hormarisa, danta gaar ama koox-na dambaysiisa 
g) Dowlad Saxaafad Xeer ay ku shaqayso oo Xor ah leh, kaasoo la saanqaadi kara Xeerka saxaafada Caalamiga ah 
h) Dowlad ilaalisa Amnigeeda Gudaha, Midnimada dadkeeda iyo dalkeeda, Xidhiidhka Dalalka deriska la ah iyo xidhiidhka dalalka kale ee Aduun-weynahaba 
I) Dowlad aan keli talis ahayn una dhego nugul rabitaanka iyo cabashada shacabkeeda 
j) Dowlad leh Garsoor cadaalad ah oo madax-banaan  
k) Dowlad leh Cid la xisaabtanta si aysan dhaqaalaha wadanka u marsiin meel aan ku qumanayn 
l) Dowlad u ogolaata in muwaadaniinteedu aragtidooda, cabashadooda iyo rabitaankooda ku cabiraan, Qoraalo, Doodo, Kulamo iyo Banaanbaxyo si nabad ah u dhaca 
m) Dowlad tixgelisa una dhego nuglaata Cabashada muwaadaniinteeda oo aan ugu jawaabin Dil, Rasaas, Xadhig, Xil-ka-qaadis iyo Cabsi gelin kale toona.

Qodobadan oo ah qayb yar oo ka mida waxa dadkeenuna u baahan yahay aduunkuna inooga baahan yahay, hadaynu ka dhabayno hirgelintoodana ay hubaal noqonayso inaynu gaadhi doono guusha iyo rajada hamigeena ah inaynu noqono Dal madaxbanaan oo dalalka aduunka ka mid ah. Waxaa nasiib-xumo ah oo muuqata in xukuumadii Kulmiye ee aynu codkeena, dhaqaalaheena iyo wakhtigeenaba gelinay, kuna aaminay Talada Dalkeena iyo Dadkeena ay gebi ahaanba baal martay dhamaanba qodobadaas kor ku xusan ee aas-aaska u ah madaxbanaani uu wadankeenu helo, arimahani waxay shaki geliyeen wadamo badan oo arimaheena danaynayey oo xiligan is-weydiinaya waxa aynu dhab ahaan doonayno iyo meesha aynu u soconaba.

Hadaba waxaan xukuumada Kulmiye uga digayaa in inta-yar ee wakhtigeeda ka dhiman ay wadanka ka dayso khal-khal gelinta, faro-gelinta iyo iska hor-keenka Golayaasha Sharci ee Dalka iyo Shacabka walaalaha ahba. Waxaan kaloo uga digayaa Xukuumada Kulmiye inay xaqiiqada iska indho-saabto oo ay Xal u aragto Adeegsiga Ciidanka iyo Baqdin-gelinta Shacabka; iyadoo awood u leh inay si maslaxad ah, dhex-dhexaadnimo ah, wada-hadal iyo is-af-garasho ku salaysan ku wajahdo arimaha wadanka iyo goloyaashaba ka taagan. 
Xukuumada Kulmiye waxaan ugu baaqayaa in Shacabka Somaliland Aqoon iyo Waayo-aragnimo u leeyihiin xukuumadaha noocyadan qalafsan u dhaqma, xukuumadii isku daydaana guuldaro iyo ceeb uga dhaadhici doonto. Waxaan kaloo xukuumada Kulmiye u sheegayaa in xukuumadii shacabkeedu naco ay ku adkaan doonto inay xukunka Xoog iyo Xili-kordhin ku sii haysato. Sidaa awgeed waxaan xukuumada Kulmiye ugu baaqayaa inay ka waantowdo falalka argagixisnimada ah ee ay kula kacayso shacabka ay masuulka ka tahay, Sharciga Wadanka u yaalna u soo noqoto oo ku dhaqanto, hadii kale ha ogaato in waxii dhibaato ka timaada ay iyadu masuuliyadeeda qaadi doonto, lagulana xisaabtami doono. Shacabka Somaliland-na waxaan ugu baaqayaa inay danta iyo bad-baadada guud ee Wadanka iyo ilaalinta Sharciga dalka u midoobaan, cidkasta oo khal-khal gelinaysana meel uga soo wada jeestaan. 


Afhayeenka Xisbiga Waddani ee Qaarada Yurub 
Qasim A Saleebaan 
kasslmn@aol.com 

Nairobi,  Kenya