Al Shabaab oo laba nin ku dishay wado gasha Magaalada Baydhabo

Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa waxay maanta laba nin oo shacab ah ay ku dileen inta u dhaxeyso Magaalada Baydhabo iyo deegaanka Deynuunaay ee Gobolka Baay.

alshabab344

Labadaan nin, ayaa waxay la socotay gaari caasi/hoomey ahaa oo ka soo amba baxay Magaalada Baydhabo, kuna sii jeeday Magaalada Muqdisho, iyadoo labada nin midkood lagu sheegay wadihii gaariga.

Lama garanaayo waxa keenay dilka labadaasi nin, balse waxaa la sheegay inay ku dhinteen rasaas ay gaariga oodda kaga qaadeen mintidiinta Ururka Al Shabaab, markii gaariga uu ka yimid wadada ka soo baxdo Baydhabo, ee tagta Deynuunaay.

Sarkaal ka tirsan Maamulka Baydhabo oo diiday in magaciisa Warbaahinta loo adeegsaday, ayaa Dhacdo.com u sheegay in Shabaabku ay maalmahaan dambe kordhiyeen, weerarada ay ka geysanayaan wadooyinka soo gala Magaalada Baydhabo.

Boqolaal ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka oo hawlgalada loo diiwaangeliyay, ayaa waxay ku sugan yihiin Magaalada Baydhabo, xilli lagu waday inay ka hawlgalaan goobaha ay Shabaabku dadka ku dhibaateenayaan.

Shabaabka, ayaa sidoo kale waxay maanta weerar kale oo dad ku dhinteen ay ka geysteen deegaanka Awdiinle, oo qiyaastii 15km u jirta Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo.

Toddobaadkaan, ayaa waxaa la dareemay in argagaxisada Somalida ay sare u qaaday weerarada ay ka fulineyso Gobolada Koonfureed ee dalka.

Salaanmedia/Moqdisho