Al Shabaab oo qafaashay dhakhaatiir ka tirsan Hay’adda Trocaire

image

Xoogaga Al Shabaab, ayaa gelinkii dambe ee shalay waxay afduub u geysteen saddex nin oo dhakhaatiir ah, oo ka tirsan Hay’adda Trocaire oo laga lee yahay dalka Ireland.

Dhakhaatiirtaan oo safar xagga dhulka ah isaga kala goosheysay Degmooyinka Beled Xaawo iyo Garbahaarey ee Gobolka Gedo, ayaa waxaa wadada u galay dagaalama-yaasha Ururka Al Shabaab.

Shabaabka, ayaa leexsaday gaarigii ay la socdeen dhakhaatiirta, waxa uuna falka afduubka ah ka dhacay deegaanka Cara-case, oo qiyaastii 30km u jirta Degmada Beled Xaawo.

Shabaabka, ayaa waxaa la soo sheegayaa in dhakhaatiirta ay ula dhaqaaqeen dhinaca deegaanka Gadoon-dhawe ee Gobolka Gedo, deegaankaasi oo hoostagga Degmadaasi Beled Xaawo.

Dhakhaatiirta la qafaashay oo Soomaali ah, ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Dr. Kediye Maxamed Colaad, Dr. C/qaasim Axmed iyo Dr. Aadan Goomey Dhaba-cadeeye.

Tallaabada lagu qafaashay dhakhaatiirta, ayaa waxaa laga hadalhayaa Beled Xaawo iyo Garbahaarey, iyadoo laga cabsi qabo in Shabaabku ay waxyeelo u geystaan dhakhaatiirtaasi.

Suxufi ku sugan Degmada Garbahaarey, ayaa soo sheegaaya in dhakhaatiirtu ay ka hawlgeli jirtay Degmadaasi, isla-markaana lama garanaayo waxa sababay inay Shabaabku afduubtaan.

Salaanmedia/Mogdisho