Baaqa camabarayn ah

Baaqa Cambaarayn

 Baaq

Waxa aan  Halkan  salaam sharaf badan ugu dirayaa dhamaan Warbaahinta madaxa banaan gudaha iyo debadda ee Somaaliland. Aniga oo ku hadlaya magaca dahlinyarad Somaliland ee Jiidali UK  Waxaan cod dheer ku cambaraynayaa  Xadhiga Wariyaasha madaxa banaan ee Somaliland.

Tan iyo markii  ay la wareegatay xukuumada Axmed Siilaanyo, waxa  ay dhaqan xumo ka dhigtay in ay xidho wariyaasha madaxa banaan ee ka hawal gala warbaahinta kala duwan ee Somaliland.  Waxa aan camabaryanaa wariyaasha la ga soo xidhxidhay  Wajaale, Gabiley, Burco, Gar Adeg iyo  Berbera.

Waxa aan halkaan ugu soo gudbinayaa in dhalinyarada Somaliland maanta ay diyaar u tahay in ay ka hortagaan xukunka ku asteeysan Kaligii talasnimo, eexasho, qabyaalada.

Waxaan cod dheer ugu sheegayaa in ay u midoobaan dhalinyarad Somaliand sidii ay iskaga dhicin  lahayeen xukuumada itaalka daran oo ay ka luntay kalsoonidii shacabka .

Mahada Allah iska leh

Xassan Ibrahim Axmed

Gudoomiye kuxigeenka Uruka Jiidale ee Dalka UK

jiidaliuk@gmail.com