Badbaadinta Qaranka Somaliland

Badbaadinta Qaranka Somaliland

 maqaal

Waxa aan  Halkan  salaam sharaf badan ugu dirayaa dhamaan Warbaahinta madaxa banaan gudaha iyo debadda ee Somaaliland. Hadii aad eegto dhinac kasta Somaliland  maanta adiga oo ku eegaya indho caafimaad qaba iyo caqli saafi ah, waxaa kuu soo baxaya in uu  xaalka marayo “Biyahaan Arkaa Dabadooda waa Huuro”

Kaligii talasnimada waxa ay ka abuurantaa marka ay xukuumada jirtaa ay lumiso kalsoonida Shacabka soo doortay islamarkaana ay dhax dabaalato  musuqmaasuq , boobka hantida Ummada kadwada dhaxayso , sida iibinta iyo siinta Guryaha Dowalada dad gaar ah, eexasho, nin jeclaysi iyo in dadka ay ka doorbidaan danta guud tii gaarka ahayd.

Hadii aanay runta maanta laga sheegayn tan iyo markii la doortay xukumadii Siilaanyo 2010. Waxa ay ku mashquulsantahay, isdifaacid, boobka hantida, musqmaasuq iyo isku dirka Beelaha Wada dega Somaliland.  Waxa ay korisay in ay iska horkeento beelaha walaalaha, iyada oo go’aamo qorqoorsh ah ka soo saartay , Kalshaale, Baligii diirye, Ceel bardaale, Berbera iyo Hargiesa oo u dambaysa waxii ka dhacay makatabadii Gaandi. Waxaan halkan ku lifaqayaa Gabayigii qaaliga ahaa Allah Ha naxariistee Ibrahim Gadhle :Mar waxad dhadhamisiyo, Mijin Qaad ah haw dhiman, Hana talin masiibiyo, wax makhluuqaa kala dila, maskaxdaaduu yay noqon, maqal lagula leyahay, yaan toban muftaaziyo lagu furan masaabiir.

Sidaasdateed, “Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar”waxaa qofkastaa somalilander ah  gaar ahaan , dhalinyarada , waxgaradka , aqoonyahanka waa in  dalka laga badbaadiyaa xukun qorqooshka maamulka Siilaanyo ee duminaya Somaliland.   Waxa ay burburiyeen   dimoqradiyadii dalka, ma doonayaan in ay doorashada waqatigeed qabtaan , way ka meeraysanayaan, waxa ayna u diyaargaroobeen in ay boobaan doorashada hadi xitaa ay qabtaan markaa sida loog hortagi karo waa in la fahmaa  aniga oo ka shakayn doona sida looga hortagi karo boobka electionka hadii ayba qabtaan maqaladadyda kale hadii allahka dhigo.  Maantiyo danteeno yan miridhku naga lumin malmahaa danbeyoyo waxa maqana falee.

Mahadsanidii

Xassan Ahmed

LLB ( Student third at Greenwich )

London UK

Hassankaid4@gmail.com

 

Hassankaid