Boobkii Hantidii ummada oo Dhul leh, Bad leh, Macdan leh oo Daaro leh oo si ba’an Xukuumadii uboobayso. Qalinkii A/rahman fidhinle

maqaal
Maadaama aaney xukuumada Siilaanyo rajo buuran ka qabin in ay dib ugu guuleysan doonto doorashooyinka soo socda waxay ay si axmaqnimo iyo arxandaro ah ugu gadoodey oo geeska ugelisey in ay si toos ah iyo si dadbanba ay uboobto hantidii maguuraanka aheyd ee ay ummadda baahan u-ilaalin laheyd.

– Haduu Colku Oomanaa, hadmey Cokonaanayaan ?
– Haduu daan-bari ka yimi hadmuu dabeyl raacayaa ?
– Haday hantidii hanteen, hadmey hamuun goynayaan?
– Haday huufareen baddii hadmey haakah odhanayaan?
– Haday mooradii mireen, hadmey Miiraabayaan?
– Haday magantii milesheen hadmey kala miirmayaan ?

Haday sahaydii sidkeen hadmey sawhariirayaan ?
Haday macdantii makteen hadmey moshinkeenayaan ?
Haday caruurtii qaleen, hadmey cidhib reebayaan ?
Haduu caqligoodu yahay caloosha wax ay dhigaan hadmey cahdi qaadayaan ?
Haday cilmi gaab noqdeen , wanaaga ka caagayaan hadmey caadi noqonayaan?
Hadii ay wada cuneen wixii carigeena yiil hadmey cokonaanayaan.!! Dab liqa ayaa la idinka yidh!!

Hadal Haynta Maalmahan iyo Hadaaqa Bulshada: Qalinkii A/rahman Fidhinle UK-London 01/11/2014.

Waxaa Taariikh iyo Tixraac madow unoqonaaya xukuumada Silaanyo 4-tii sanadood ee ay hogaanka dalka haysey
Boobkan qaawan ee qeexan ee qalaalan ee ay ku boobeyso hantidii maguuraanka aheyd ee ay ilaalintiisa iyo dhawristiisa ka masuulka aheyd. Waxay ku caanbaxdey in ay badda, dhulka danta guud ,macdanta , shidaal baadhista ,agabka, anfaca iyo daaraha dawlada ee danta guud ah ay ku wada bixo sife aan bireysneyn oo booli ah aan dan u-aheyn dal iyo dadtoona, waxaa hada waxgaradkii wadanka oo wadnaha faraha ku hayaa ay isku raaceen in ay xukuumada Siilaanyo ku bixisey hantidii maguuraanka aheyd ee ummadda sifeyaal qariban oo ay ugu horeyso qaraabo kiil, qof jecleysi iyo abaalmarin degamsan waxaana tusaale kuugu filan sida ay ku bixisey Guriga weyn ee shacabka ku yaala ee ku diiwaan gashan number A/88 oo ay abaalmarin u siisey Ra’iisal Wasaaraha Qarsoon ee Mr Aw gaab, Wershadii leydhka ee Hargeysa oo lagu abaal mariyey ganacsade gaar ah,Gaandi Libaray oo lagu abaal mariyey Ganacsade gaar ah, Wershadii Leydhka ee Berbera oo hada waraaqihii loogu qiimeynaayey loo dhameeyey sidii loogu wareejin lahaa Gancasade Gaar ah oo ku can baxey nacasnimo xaadhka, bililiqeysiga iyo laba liska hatidii maguuraanka aheyd ee qaranka.

Dhulka danta guud ah iyo daaraha ka dhisan waxaa iska leh dhamaan shacabka reer Somaliland , waana hanti qaran,waxaana uga wakiil ah in ay dayactiraan oo ilaaliyaan dawladan ku gafanoowdey ee noqotey Danley, Sheerley, Shirkadley iyo ganacsato kefedii uu ganacsade qaadaba laqaadata taas oo hantidii ummadda ka yeeshay kaa lihi , kula lihi, qaado aan qaatee iyo timir xabaal taala. Waxaa laga doonayaa shacabka reer Somaliland in ay caqligooda iyo cududoodaba ay isu geeyaan oo ilaashadaan inta yar ee Masaajidada ubadan ee hada ka sii nool dhulkii danta ahaa ee qaranku lahaa.

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.