Bulshada Somaliland ha u gurmadan Golaha Barlamanka ee Xukumada Silaanyo Inqilaabtay.

Bulshada Somaliland ha u gurmadan Golaha Barlamanka ee Xukumada Silaanyo Inqilaabtay.

2maqqal maqaalada

Marka hore waxaan salamaya Ummada Somaliland ee meel kasta oo ay joogtaba Ascwbr, inta ka dib, Waxa maanta Xukumadii Silaanyo oo gacan saar ka helaysa saleeban gaal oo muddo kordhin la doonaya silaanyo in ay maanta ciidamo RRU ah ku qabsadeen Xaruntii Barlamanka Somaliland. Waa wax iska cad in labada oday silaanyo iyo saleeban gaal is qaawiyeen oo ay dastuurkii iyo shuruucdii dalkan iyo dadkan naftooda u soo hureen ay burburiyeen. Haddba, waxa bulshada xaalsha ah laga doonaya in ay difaacan maalinta sabtida ah barlamankooda oo ay hor istagaan inqilaabka la doonayo in lagu dhaxal wareejiyo barlamankii Ummada somaliland doortay beri ilaa galbeed.
Ugu danbeyntii, Waxaan ku boorinayaa tageerayaasha xisbiyada mucaaridka ah, muxaafidka dulmi diidka ah iyo aqoonyahanka, waayeelka iyo cid kasta oo xaqu dirir ah in la isugu tago maalinta sabtida barlamanka hortiisa oo la fashiliyo inqilaabka ay soo maleegtay madaxtooyada ee la doonayo in lagu baabiyo hayadihii dastuuriga ahaa ee dalkan somaliland lahaa. waxa iska cad in ay noqon doonta maalinta sabtida maalintii yawmul qadabkii ( maalintii cadhada shacabka somaliland) ee ay ku soo ceshan lahayd karaamadooda oo ay gacanta ula tagi lahayeen madaxtooyada oo dibedda ay dhigaan kooxda aragagixisada ah ee afduubtay somaliland. Shacabow waa sabtida oo aad difaacadan barlamankiina iyo karaamadiina oo ay shaqeyso iraadada iyo rabitaanka ummada somaliland oo ah doorasho xor iyo xaalal ah iyo bilowga kacdoonka bulshada bilaabanta si looga safeeyo madaxtooyada kooxda xagjirka ah ee qabstay xukunkii Somaliland.

Alla mahad leh
Saeed A dualeh
Uk.