Canbaarey mug leh oo ku wajahan Xukuumada falkii ka dhacey Berbera 3/11/14 taas oo Maleeshiyo beeleed hubeysan oo masayr degamsani qaadey ay baabiiyeen dhisme maxraj cusub oo ka socdey Koonfur Bari Berbera

maqaal
Waxaa ceeb iyo fadeexad qaawan ku ah  xukuumada Siilaanyo sida ay ugu fashilantey dhacdadii Berbera ka dhacdey 3/11/14 Taas oo ay Maleeshiyo beeleed hubaysan oo u muuqdey markaa in ay kalsooni ka haystaan Xukuumada ay cagta  mariyeen dhismihii  maxrajka cusub ee ay ka maseyreen dhismihiisa. Waxaa shacabka JSL Maanta u-cadaatey in duufaanada, shirqoolada,wanjalaada,khilaafyada iyo dabin isu maleega ka dhacay magaalada Berbera iyo guud ahaan JSL uu ka soo burqanaayo oo uu salka ku hayo xubno idman oo ka mid ah hawlwadeenada xukuumada Siilaanyo ay uxanbaarisey xilalka aaney qaadi karin.. Waxaa  sharaf dhac iyo dawlad la’aan ah in aan maamulka gobolku gacanta ku soo dhigin maleeshadii dhismahaa burburiyey oo ku hubeysnaa hubka noocyadiisa kala duwan iyo baabuur daahir yaa shamis ahaa oo cid waliba  indhahooda ku arkeysey ilaa iyo qurbo joogii dalka oo iyana khashaafadaha ka daalacanaayey. Waxaa iyana fadeexad labaad ku ah xukuumada gacan ka hadalkii ciidanka RRU-du ay kula kaceen xildhibaanadii deegaanka Berbera oo iyagu markaa uguntanaa in ay falkaa demiyaan inta uu qoyan yahay, ayaa iyagana lagula kacay dagaal,bahdilaad iyo gacan ka hadal aaney uqalmin  maadaama ay siteen xasaanadi shacabkii gobolka ee dirtey ee doortey laakiin aan iyana  la ixtiraamin ee hortooda lagu jiid jiidey.
 
Hadaba Su’aasha ay shacabka reer Saaxil is weydiinayaan ayaa ah, Hadii ay maanta Gobolka Saaxil magaaladiisa Berbera oo ah Salkii ama badhidii ay Somaliland ku fadhidey ay ka bilaabanto sidaa hada dhacdey isweerar hubeysan, isweeteyn ganacsi,  wed ka-werwer shaqsi, walbahaar degaan, weji-gabax xukuumadeed, waraabe-utaag gudoomiye iyo walleh ku-rafasho, ma maareyn karayaan hawlwadeenada Gobolka ka hawlgala ee aynu naqaano waxa ay galaan iyo waxa ay gudaan. Jawaabta oo koobani waa maya! waayo ilaa iyo hada falkii xumaa xukuumadii waxba kamey qaban. Waxaa kale oo shacabka reer Saaxil ay ka dheregsan yihiin hawlwadeenadaa Gobolka Saaxil ka hawlgala,  kartidooda shaqsi ahaaneed,geedkii iyo laantii laga soo maydhaxdiirey, iridihii iyo albaabadii ay xukuumada sida yar ee sibiqda leh ay dalqadeeda ugu soo dhaceen iyo weliba surimada iyo wadiiqooyinka ay ka duulaan, kana arooraan fiidkii si ay dhiilahooda carta leh ee aan culeyga iyo cidaadka laheyn uga dhaansadaan laaluush iyo cashuurtii yareyd ee shacabka baahan wax loogu qaban lahaa ee lagu kala bad-baadin lahaa.
 
Waxaa Maanta aan faaleyn iyo falanqeyntoona ubaahneyn oo Shacabka reer S/land  ay la yaaban yihiin in magaaladii  Berbera ee ay ku taaley  Dekedii qaranku oo ay beryahanba Xukuumada Siilaanyo ay Faalka iyo Fooxa badan  la dul-taagneyd si ay Shirkad Carbeed ama  mid Faransiis ahba ugu wareejiso ay maanta  falalkaa foosha xun ee nabadgelyada magaalada khalkhalin karaa  ay ka dhaceen iyada oo wax ka qabashadeediina la arkaayo Xukuumadii oo  si xun ugu fashilantey.
 
Anaga oo ah qurbe joogta Ciise Muse ee degan UK Waxaanu cod wadareed mug leh ku leeyahay Xukuumada Siilaanyo ee dur yar, deman,dareen nugul  Miyaaney ogeyn saameynta ay ku leedahay arintaa fashilantey bulshada qeybaheeda kala duwan gudo iyo debedba?  Miyaaney ogeyn saameynta taban ee ay ku leedahay Amniga, xasiloonida iyo guud ahaan nabadgelyada gobolka, dalka iyo duruufaha maanta taagan ee inagu xeeran iyo danta guud ee qaranka iyo baahiyaha togan ee loo qabo in la dhawro xasinoolida iyo wadajirka shacabka reer Somaliland? Waxaanu cod dheer ku leenahay Xukuumada 1- Cidii dhacdadaa  ka danbeysey waa in sida ugu dhakhsaha badan  loo soo qabtaa oo Xukun lagu ridaa oo sharciga wadanka uyaala  la horkeenaa. 2- Waa in khasaarihii la gaadhsiiyey Ganacsatadaa dhismahooyada la baabiiyey loo celiyaa si arintaa loo soo afjaro. 3- Hadii arintaa foosha xun sida ugu dhakhsaha badan aan wax looga qaban, Waxay galaafan doontaa nabad kuwada noolaanshaha shacabka S/land, waxay iyana sii  galaafan doontaa tujaarta gobolka, inta dibirsan iyo inta doobineysa ee dhibishaxleyneysa ee ku cireysatey  dabin isu maleega iyo duufaanada siyaasadeed ee xukun jacelka ah ee ay xukuumada Siilaanyo ku caanka baxdey waayadan danbe.
 
 
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Gudida Qurbo joogta ee Ciise Muse
ee ku degan  UK