Daawo Muqaal…Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi ayaa ugu baaqay Madax dhaqameedka Somaliland in aanay ku dhex milmin siyaasada, isla markaana ay ku eekaadaan dhaqanka.

Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi ayaa ugu baaqay Madax dhaqameedka Somaliland in aanay ku dhex milmin siyaasada, isla markaana ay ku eekaadaan dhaqanka.

Dhinaca kale waxa uu si kooban uga hadlay weedhihii ugu dambeeyay ee ay dhawaan madax dhaqameedka iyo siyaasiyiintu isku waydaarsanayeen warbaahinta, waxaanu sidaasi ku sheegay mar uu warbaahinta ugu waramayay Magaaladda Hargeysa, waxaanu yidhi

“Waxaa Aan Doonayaa In Aan Ka Hadlo Waliba Aan Anigu Iftiimiyo Aniga Uu Ku Hadlay Magaca Beelaha Dega Koonfurta Magaalada Hargaysa ama gar-xajis Waxaan Doonayaa In Aan Soo Jeediyo Baaq Ku Saabsan Hadlo Maal Mahan Laysla Dhex Maraayey Oo Aan Leeyahay Ha La Joojiyo “

“Magalada Hargaysa Deeganka Laf-Dhabarta U Ah Ee Loogu Yimid Waa Beesha Ciida Gale Ma Ah In Laga Soo Qaado Dad Qaariib Ah Ama Dad meel Kale Ka Yimid Waxana Aad Wada Ogeydeen Niman Siyaasiyiin Oo Saxaafada Ka Hadlayey Haddii Aanu Nahay Dhaqanka Ma Aha In Siyaasiyiinta Lagu Dhex Milmo Arintaasna Xaal Ayaanu Ka Bixinaynaa” Ayuu Yidhi

Isga Oo Boqor Raabi Hadalkisii Sii Wata Ayaa Waxaa Uu Ku Sii daray “Waxaan Leeyahay Hargaysa Ninkii Yidhaahda Meel Baa La Raray Iyo Meel Baa La Gaynayaaba Meeshii La Geeyaaba Waa Hargaysa Meel Kale La Geyn Maayo Moqdisho Iyo Boosaaso Midna La Gayn Maayo Ninkii Hargaysa Ii Qurxiyana Mahad Baan U Soo Jeedinayaa Ninkii Wax Ka Xumayana Waxaan Leeyahay Taariikhda Uun Baa Qori Doonta “ Ayuu Ku Soo Koobay Hadalkisii Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi .

Salaanmedia/Hargaysa