Daawo Sawiro…Haweenka Talo iyo Tawfiiq oo shir balaadhan ku yeeshay Bariga London Xukumadana Somalilana cabaareeyey dhibaatada ay ku hayso shacabka….

20141108_232012

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa shir balaadhan Xalay 8.11.14 Sabti isugu yimid Garabka Haweenka ee TALO IYO TAWFIIQ ee ku nool dalka Ingiriiska,Kulanka oo ay kasoo qaybgaleen haween aad u fara badan oo ka kala yimid daafaha dalkan Ingiriiska, Haweenka kasoo qayb galay kulanka Hablaha TALO IYO TAWFIIQ  waxa ugu horeyn lagu furay Aayado Quraana kadibna waxa hadala kooban laga soo jeediyey ujeedada shirka loo qabtay,Waxyaalaha Haweenka Talo iyo Tawfiiq ay u baqteen shirkan iyo shirarkii kan ka horeeyey iyo arimo badan oo hor yaala sidii loo maamuli lahaa.

20141108_223526
Afhayeenka  Haweenka TALO IYO TAWFIIQ Caasha  Maxamed Cawad ayaa ugu horeyn aad ugu mahadcelisay sida quruxda badan ee aad uga soo qayb galeen kulanka idinka oo meelo dhaadheer kasoo kicitimay,Waxa kale oo ay soo bandhigtay kulamadii ugu danbeeyey ee Haweenku qabsadeen iyo hiigsiga ay doonayaan sidii Garabka Haweenka ee Talo iyo Tawfiiq ay gadhaan mastaqbalka Dhow Insha Allah. Waxa kale oo ay ka hadashay guud ahaan xaaladda Guud ee Somaliland wakhtigan marayso,tacadiyada lagu hayo Saxaafadda Madaxa banaan iyo guud ahaan dhibaatadda xukumadda maanta jirtaa ay shacabkeeda ku hayso xukumaduna ya baal martay wixii ay dadka iyo dalka u balan qaaday.

20141108_233317

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa kale oo iyana ka hadashay gudoomiye kuxigeenka ee Garabka Haweenka TALO IYO TAWFIIQ Xarakaad Caare oo  ugu horeyn aad usoo dhaweysay dhamaan hablaha Talo iyo Tawfiiq iyo kulankan balaadhan sida wacan ee ay uga soo qayb galeen,Waxa ay warbixin kooban oo ku saabsan sidii haweenka talo iyo tawfiiq ay gacanta isu qabsan lahaayeen kana gaadhi lahaayeen horumar la taalab karo,aadna waan usoo dhaweynayaa marlabaad dhamaan haweenka kulanka jooga iyo kuwa aanay u saamixin inay kasoo qayb galaan,waxaanan rajeynayanaa in kulanka  danbe uu kasii balaadhan doono kan caawa..

20141108_232238

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa kale oo hadalo kooban kasoo jeedisay Farduus Muuse Cabdilaahi oo ah haweenay aqoonyahana oo isu soo sharaxday inay ka qayb qaadato Barlamaanka Somaliland kana sharaxan gobolka Togdheer,Waxa ay Farduus ka warantay hadafka ka danbeeya ee ku kalifay inay Barlamaanka Somaliland isu soo sharaxda, sida ay doonayso inay dadkeeda iyo dalkeeda  Somaliland wax la taaban karo uga qabato.Waxayna sheegtay in ay ka sharaxan tahay Xisbiga Waddani oo ah mid dalka Hogaamin doona Mustaqbalka Dhaw Insha Allah.

20141108_233635

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa haweenkii madasha fadhiyey aad ugu sacabiyeen soona dhaweeyeen musharaxada Barlamaanka Somaliland Illahayna ugabaryeen inay guul ka gaadho. Waxa kale oo ka hadashay kulanka Qaar ka mid ah Haweenka kasoo qayb galay,kana soo jeediyey buraan-bur guubaabo iyo ducaba isugu jira.Waxa kale oo hadalo kasoo jeedisay Khasnajiga Garabka Haweenka ee Talo iyo Tawfiiq Caasha Ibraahim.

20141108_234413

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ugu danbeyntii waxa lagu soo dhaweeyey hadalka Gudoomiyaha Haweenka ee TALO IYO TAWFIIQ  Faysa Faarax Suusle oo aad loogu sacabiyey markii hadalka ay qaadatay,Ugu horeyn waxa ay aad ugu mahadcelisay dhamaan Haweenka Talo iyo Tawfiiq meelkasta oo ay joogan,gaar ahaan Haweenka caawa isugu yimid kulankan iyo dhamaan intii ka qayb qaadatay in kulankani qabsoomo. Waxa ay ugu horey Marwo Faysa Faarax Suusle ka warbixisay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha Talo Iyo Tawfiiq gaar ahaan garabka Haweenka oo ku talaabsaday horumar la taaban karo.

20141108_223158

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
Waxa kale oo ay soo qaadatay oo ay ka warantan marxaladda maanta Somaliland marayso iyo xukumada maanta jirta,Waxayna aad dhaliil ugu soo jeedisay xukumadda Siilaanyo dhibaada ay ku hayso shacabka reer Somaliland talsoo ku tusaysa sida xukumadani u lumisay kalsoonida shacabka,Waxayna dhamaan shacabka reer Somaliland kula talisay in ay ku dedaalaan nabadgalyada iyo horumarka dalka,Waxayna shacabka kula talisay in ay codka ku ridaan oo ay tageeraan xisbiga kaliya ee ridi kara xukumadan maanta jirta oo ah xisbiga Waddani ,lana taageero si xisbiga waddani uu u bad-baadiyo shacabka. Maanta waxa kuxumadani ay sameynaysaa maaha mid loo dul-qaadan karo una baahan in shacabku gacmaha is qabsadaan.20141108_232604

 

Kuxumadani waxay dhibaatadan oo dhan u sameynaysaa waxa ay doonaysaa inay qiil sameysato sidii aanay doorasho dalka uga dhici lahayn oo ay ugu darsato, taasina waa mid shacabka maanta joogaa ay aad uga soo horjeedaan.Kulanka oo ay kasoo qayb galeen Haween aad u badan waxa uu kusoo gaba-gaboobay guud iyo in la der-der galiyo hawlo badan oo ku saabsan horumarinta iyo dhaqan galinta qodobadii shirkii Talo iyo Tawfiiq.

Salaanmedia/London20141108_22544220141108_222810 20141108_222829 20141108_223015 20141108_224712 20141108_225347 20141108_225442 20141108_225504 20141108_225559 20141108_231701 20141108_231733 20141108_232052 20141108_232355 20141108_233635

20141108_224240

20141108_233635 20141108_233022 20141108_232849
20141108_232052
20141108_232012
20141108_225246

20141108_224024
20141108_223636 20141108_223526 20141108_223509