Daawo sawiro sida sharikad laga leeyahay dalka Turkigu ay u qurxisay garoonka Moqdisho ,laguna tilmaamay in uu noqon doono garoon la mid ah kuwa afrika ugu quruxda badan…

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa kasocda dhismo lagu balaadhinayo sidoo kale lagu qurxinayo qeybaha kala duwan ee Garoonkaasi , waxaana hada dhismaha garoonka kasocda uu marayaa meel aad u wanaagsan.


Shirkada Favori ee laga leeyahay Dalka Turkiga gacantana ku heysa Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa horey u balan qaaday in dib u dhis iyo casriyeyn ku sameyn doonto qeybaha kala duwan ee Garoonka.

Waxaa la filayaa dhawaan in lasoo gaba gabeeyo dhismaha kasocda Garoonka Diyaardahaa Aadan Cadde, waxa ayna shacabka Soomaaliyeed ku tilmaameen dhismaha kasocda Garoonka Aadan Cadde mid lagu soo celinayo bilicdii iyo quruxdii uu waayo lahaan jiray.

Salaanmedia/Moqdisho

Xigasho Albandir.com