Daawo Sawiro…Wafdigii qaar ka mid maayiradda goboladda S/land ee Shaqadda ku joogay magaalada Turku oo hawshoodii shaqo si fiican ugu soo dhamaatay

Wafdigii qaar ka mid maayiradda goboladda S/land ee Shaqadda ku joogay magaalada Turku oo hawshoodii shaqo si fiican ugu soo dhamaatay

8

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maayirka Magaalada Burco Maxamed Yusuf Cabdi, Maayirka Berbera Cabdi shakur Maxamed Xasan,maayirka Borama Suleman Xasan Xadi, maayirka Ceerigaabo Ismaciil Nuur Faarax, iyo maayirka Gabiley Shucayb Maxamed Muuse , iyo labaddii  masuul ee kale  mudane Musafe Cilmi Cali iyo C/wahab Maxamed Xuseen oo safar shaqo ku jooga magaalada Turku ee wadanka Finland ayaa wax soo dhamaaday booqashaddii shaqo ee Turku ku joogeen

3

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaan ay maalintii Arbacadda ahayd  booqdeen Dekadda Weyn ee Turku halkaas oo lagusoo wareejiyay qeybaha kala duwan ee Dekadda waxaan si fiican dekadda iyo dugsiga culunta badda ugu soo dhaweeyay  kaptaan Kari Riutta .

1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Intaas ka dib waxay maayiraddu booqdeen Cusbitaalka weyn  ee jaamacada  magaalada Turku halkaas oo si diiran ugu soo dhaweeyay madax cusbitaalka Petri Virolaine iyo Tuija Lehti. 

2

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maalintii Khamiista  ahayd waxay wafdigu  booqday gudoonka  waxbarashadda ee Turku. halkaas oo wafdiga iyo xildhibaan Roda si fiican loo gusoo dhaweeyay loona sharxay wafdiga siday u shaqeeyaan xafiiska waxbarashadda ee gobolka arintaas oo wafdigu aad ugu qushuucayn habka waxbarashada ee dalka Finland.

Waxa wafdigu gelinkii danbe ee jimcihii booqdayn Xarunta qalabka lagula dagaalamo dabka ka dhaca magaalooyinka waxayn halkaas si fiican loogu soo dhaweyay loona sharax qalabkaas iyo siyaabaha kala duwan ee loo isticmaalo.

 Waxa habeenkii kulan casho sharaf ah u sameeyay  wafdiga  Badhsaabka Gobolka , cashadaas oo uu daadihinayay badhasaab xigeenka gobolka Jarkko Virtanen, waxaan cashadaas wafdiga ku weheliyay  maayarka Turku Seppo lehtonen, xildhibaan Roda C/laahi iyo gudoomiyaha jaaliyadda ee Turku Somaliland Community Eng. Jamaal C/laahi.

Waxaan kulaanka chaso sharfeedka ah ee wadfiga loo sameeya layska waraystay sidii u soo dhamaaday usbuuca ay shaqada ku joogeen Turku iyo waxyaabihii u qabsoomayay. Wuxuun wafdiga maayiradda ah ay ku gudoosiiyeen halkaas hadyado ay wadfiga uga keeneen S/land aadna way ugu mahadnaqeen.

Wuxuun safarka shaqo ee maayiraddu ku joogeen Turku kusoo dhamaaday guul iyo xidhiidh fiican oo dhex maray wafdiga iyo madaxda gobolka.

 

 

 

Gudoomiyaha Jaaliyadda 

Turku S/land Community

Eng. Jamaal C/laahi Xassan

+ 358 -45- 855 1880Â