Daawo Sawiro…Wafdigii qaar ka mid maayiradda goboladda S/land oo la kulmay jaaliyadda Turku S/land Community

Wafdigii qaar ka mid maayiradda goboladda S/land  oo la kulmay jaaliyadda  

2

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Turku S/land Community

Maayirka Magaalada Burco Maxamed Yusuf Cabdi, Maayirka Berbera Cabdi shakur Maxamed Xasan,maayirka Borama Suleman Xasan Xadi, maayirka Ceerigaabo Ismaciil Nuur Faarax, iyo maayirka Gabiley Shucayb Maxamed Muuse , iyo labaddii  masuul ee kale  mudane Musafe Cilmi Cali iyo C/wahab Maxamed Xuseen oo safar shaqo ku jooga magaalada Turku ee wadanka Finland ayaa waxay la kulmeen jaaliyadda Turku S/land Community.

 Waxa kulankaas furay kuna soo dhaweeyay wafdiga maayirada ah jaaliyadda  gudoomiyaha Jaaliyadda Turku S/land Community Eng. Jamaal C/laahi Xassan sido kale waxa halkaa ka hadlay qaar ka mid ah odayaasha  magaalada oo uu ka mid yahay Cabdi Ibrahim (Cabdi Dheer).

Intaas ka dib waxa  gabay qiimo badan oo fariin iyo dardaaran ah ka jeediyay abwaanka weyn ee Axmed Cali Cawad. 

Waxa halkaas maayiradu kula hadleen ugana warameen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshadda S/land ee jaaliyadda xaalada guud ee dalkii iyo waxyaabihi u qabsomay intay Turku joogeen.

Waxa kulankaas jaaliyadda jooga maayirka Turku Seppo Lehtonen iyo xildhibaan Roda C/laahi Xasan, wuxuuna kusoo dhamaaday guul iyo farxad ka muuqatay dhamaan dadkii goobta joogay.

 Gudoomiyaha Jaaliyadda 

Turku S/land Community

Eng. Jamaal C/laahi Xassan

1 3 4 5 6 8