DAAWO SAWIRO…XISBIGA WADDANI OO KULAN KU YEESHAY TORONTO CANADA DOORTAYNA HOGAAN CUSUB…

WADDANI TORONTO : HOGAAN CUSUB OO LA DOORTAY

5

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa Toronto lagu qabtay xaflad balaadhan oo lagu doortay hogaan cusub oo hagi doona Xisbiga WADDANI ee Southern Ontario. Doorashadu waxay u dhacday hab dimuqraadi ah oo waafaqsan shuruucda & xeer hoosaadka Xisbiga . Waxa la qiimeeyay aqoonta, xilkasnimada, hawl-karnimada, iyo hufnaanta ay leeyihiin xubnaha ka qayb galay tartanka . Doorasho gacan taag ah ka dib, waxa ku guulaystay 13 xubnood, oo ay ku jiraan 7 Haween ahi, taasoo tilmaamaysa kaalinta wayn ee haweenka Somaliland kaga jiraan siyaasada. Hogaanka cusubi waxay ku balan qaadeen inay la imaan doonaan qorshe lagu bedeli doono nidaamka xaaraan quuta ah ee ku dhisan hanti boobka , kala qo-qoqobka , iyo kala qaybinta shacbiga Somaliland .Marwooyinka iyo mudanyaasha ku guulaystay doorashada xorta iyo xilalka loo egmaday waxay kala yihiin :
Dr Ibrahim Absiiye- Guddoomiye/ Chairman Southern Ontario.
Marwo Muna X.A. Yusuf Qulumbe – Guddoomiye /Xigeen – Abaabulka & wacyigelinta
Marwo Ismahaan Sheikh Muuse – Gudoomiye /Xigeen – Maaliyadda & Dhaqaalaha
Mudane Ali Hassan Maygaag Samater – Guddoomiye /Xigeen – Hirgelinta Barnaajimka Xisbigga
Dr Ali Sugaal – Afhayeen/Spokesman
Jama Hered Jama – Khasnaji/Treasurer
Zuhuur Hassan Abiibi – G / Garabka Haweenka
Marwo Amina Abdi “ steak “ – Xoghayaha Guud
Ramzi M. Aden Wadadiid – Co-ordinator North America
Ayaadi Ibrahim Gudd / Garabka Dhalinyaradda
Zainab Yusuf X. Aden – Guddiga Joogtada
Ibrahim Mattaan – Guddiga Joogtada
Asia Xaaji Abokor Faarax- Guddiga Joogtada

Hanbalyo- Hanbalyo-Hanbalyo- Hanbalyo- Hanbalyo- Hanbalyo- Hanbalyo- Hanbalyo

1 2 3 4
6