Dagaal culus oo Xoogaga Shabaab iyo Ciidamada Huwanta galabta ku dhex maray Gobolka Jubbada Hoose

NEWS N

Dagaal culus, ayaa waxa uu gelinkii dambe ee maanta (Shalay)uu ka dhacay inta u dhaxeyso deegaanada Buulo Gaduud iyo Kabsuumo ee Gobolka Jubbada Hoose, dagaalka wuxuu ka dambeeyay markii Xoogaga Shabaab ay wadada u galeen Ciidamada Huwanta.

Boqolaal ka mid ah Ciidamada Maamulka Jubba iyo Amisom oo ku sii siqaaya deegaanka Kabsuumo, oo xigga dhinaca Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, ayaa waxay iska caabin kulul kala kulmeen dagaal-yahanada Al Shabaab.

Dagaalka oo hubka noocyadiisa kala gedisan leesku adeegsaday, ayaa waxa uu geystay khasaarooyin dhimasho, dhaawac iyo mid maaliyadeedba leh, iyadoo khasaaraha ugu badan dagaalka lagu gaarsiiyay Shabaabka.

Suxufi la socdo Ciidamada Huwanta, ayaa waxa uu soo sheegayaa in Shabaabku ay ka carareen ugu yaraan toddobo meydad ah, halka tiro kalana sida loo maleynaayo ay horey u sii qaateen. Ciidamada Jubba waxaa dagaalka looga dilay ugu yaraan afar askari, halka Amisom uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Xoogaga Shabaab, ayaa deegaanka Baar Sanguuni kaga tagey mid ka mid ah gaadiidkooda dagaalka, waxaana si buuxdo ula wareegay Xoogaga Maamulka Kmg ah ee Jubba.

Ciidamada Huwanta, ayaa waxay ku sii siqayaan deegaanka Kabsuumo, si ay kaga sii tallaabaan Degmada Jilib, oo ay ku xoogan tahay Xarakada Al Shabaab, iyadoo la rumeysan yahay in Shabaabku ku dagaalami doonaan Jilib.

Saraakiisha Maamulka Jubba, ayaa waxay xaqiijiyeen inay ku hawlan yihiin, sidii Shabaabka ay kaga qabsan lahaayeen Maamulka Degmada Jilib.

Dhanka kale Ciidamada Jubba, ayaa duhurnimadii maanta waxaa qarax miino lagula beegsaday deegaanka Yoontooy. Yoontooy waxay ku taallaa inta u dhaxeyso Kismaayo iyo Buulo Gaduud, isla-markaana waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay afar askari, markii lagula beegsaday goob ay fariistaan.

Salaanmedia/Moqdisho