Dalad ay ku mideysan yihiin dhalinyarada gobolka Sool iyo Saraar oo la dhisay

Dalad ay ku mideysan yihiin dhalinyarada gobolka Sool iyo Saraar oo la dhisay
(08/11/2014) (Oog) Somaliland Wasaarada shaqada, shaqaalaha iyo dhalinyarada Somaliland ayaa ku guuleysatay inay dhisto dalad ay ku mideysan yihiin dhalinyarada gobolada Sool iyo Saraar.

Unknown
Description: http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2014/05/Xuska_15ka_May_2014_Qardho-27.jpgKulanka dhalinyarada oo ka dhacay degmada oog
Axmed Abdi, agaasimaha guud ee wasaaradaasi ayaa saxaafada u sheegay in ujeedada iyo ahmiyada laga leeyahay mideynta dhalinyarada Sool iyo Saraar tahay in isku xirnaan laga gaaro dhalinyarada.
Wuxuu sheegay in dalad ay ku mideysan yihiin dhalinyarada Saraar ay tahay mid laga sugayo wadashaqeyn iyo harumarinta dhalinyarada ku dhaqan gobolkaasi, sidoo kale dhalinyarada ay muujiyaan isku xirnaan.
Waxaa wax laga weydiiyay dhalinyarada degmada degmada caynaba oo ka hor yimid dhismaha dalada gobolka Sool iyo Saraa, wuxuuna sheegay in dastuuriyan caynaba iyo oog yihiin laba degmo oo siman oo ka mid ah hal gobol markaa ay shirkan u metelayso degmada oo oo ka mid ah gobolka saraar halka soo ay u metelayso degmada laascaanood oona baahan yahay in daladaasi la shaqeeyaan.
Wuxuuna dhanka kale sheegay in dhawaan ay ka go’an tahay inay dhisaan daladda guud ee dhalinyarada deegaanada Somaliland oo dhan.
Faarah Food
Xafiiska Warar ee gobolka sool
Laascaanood -Somaliland