Dawladu waxay wadaa, Hasha Geelana Qaniinta hadana cabaada

maqaal

Waxaaan dhamaan salaamaya shacbiweynaha Somaliland iyo dhamaan saxaafada Somaliland dhamaantood

Intaas ka dib waxaan u hanbalyeynayaa dhamaan saxaafada Somaliland iyadoo ay ku began tahay maalintii saxaafada aduunka 8/11/2014 intaas ka dib waxaan doonayaa in aan ka hadlo arimo dhowraa oo ku saabsan tacadiyada ay dawlada siilanyo caadada u noqotey ee ay doonayso in ay ku cabudhiso saxaafadii u hiilisay markii uu doorashada galeeyay runtii dawladan dalka haysata mid ka xun oo abid soo martey dalkeena ma jirto waxaan ogeyn tacadiyadii ay kula kacdey Haatuf iyo Hubaal oo runtii si sharciga ka baxsan loo galay, waxaan ognahay oo la soconaa in dawladu ay samaysay jariirado hargaysa ka soo baxa oo loo sameeyay cid gaara suxufiyeentii dalkan qalinka u qaadey ee saxaafada u bilaabay jariiradahoodi la xidhay, inamo yaryar oo aan media waxba ka aqoona loo furey jariirado, waa waxyaalaha aan diinahay in umadan himiladeedi iyo hamigeedi la afduubo runtii markii ay xukuumadani timi dalka, dadka reer somaliand waxay lahaayeen is dhexgal, qabyaaladuna aad buu u yaraa laakiin xukuumada siilanyo waxay keentey qabyaalada iyo in ay indhii umada ku soo jeediso cid gaara, waxaan canbaareynaynaa in Horn cable iyana sidii Haatuf iyo Hubaal oo kale la doonayo in la mariyo, siilanyo iyo cida daba socota ee donaya in ay dalkan burbur u horseedaan waxa ay bulshadu yeelayso maaha  in aad adoo isticmaalaya awoodii iyo sharciyadii dalka aad cid ku cabudhiso, dhalinyarada Somaliland waaa rukunka koowaad ee bulshadeena waana kuwa ku siiyey cododkii ugu badnaa ee ah kursiga aad maanta ku fadhido, waxaan madaxweyne kuu sheegaynaa Haatuf iyo Hubaal dhinaan maayaan kuwa aad cid gaara u samaysay oo  aad danahaa ku wadatana  ku furnaan maayaan, wasiir waran cade waxa uu leeyahay qabyaalad baa la wadaa yaa qabyaalada jariidado ku sameeyey,yaa qabyaalada hantidii qaranka ku boobaya, yaa qabyaalada cid gaara wixii la wada lahaa loogu kooteenayaa,yaa qabiilkan keeney oo nooleeyey, yaa RRUoo siyaad bare inoogu danbeeyey guri shacab loogu daato habeen oo argagax ku rida keeney, hadii qaranimadii iyo wixii la sameeyey laysku ixtiraami waayo adeer yey wax ka daadanayaan cida somaliland baabinaysa ee sharciyadii baal martey waa xukuumadan iyo cida hogaanka u ah

 

Afhayeenka Jiidali-Uk

Enginer Faisal Abdirahman