DEG DEG: Al Shabaab oo dagaal culus kula wareegay Jazeerada Kudhaa

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo si kulul u weeraray Ururka Al Shabaab ee ka dagaalama Somaliya

Wararka inaga soo gaaraya Jazeerada Kudhaa oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya in saaka aroortii ciidamada Ururka Al Shabaab dagaal xoogan ay kula wareegeen deegaankaasi.

Dagaalkaan oo ahaa mid aad u culus ayaa biloowday xalay saacada markii ay aheyd 4:00 habeenimo, waxaana la isla soo gaaray saaka aroortii oo ciidamada Shabaab waxaa u suuragashay in dagaalka xoogan ay kula wareegaan gacan ku haynta Jazeerada Kudhaa.

Ciidamada Maamulka Jubba oo markii hore gacanta ku haayay Kudhaa, ayaa isaga cararay saaka, markii ay difaacan waayeen deegaankaasi, waxaana lasoo sheegayaa in ciidamada Axmed Madoobe hada inay ku sugan yihiin deegaan lagu magacaabo Madhawa oo Kudhaa agteeda ah.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkaasi, inkastoo aan la ogeyn tirada dhimashada iyo dhaawaca inta ay la eegtahay ilaa hada.

Ciidamada Shabaab ayaa ku sugan Jazeerada Kudhaa gudaheeda, iyadoo lasoo sheegaayo in ciidamada ay difaacyo ka xirteen duleedka deegaankaasi.

Saraakiisha Maamulka KMG ee Jubba weli kama aysan hadlin dagaalkaan culus ee Kudhaa looga saaray ciidamadooda iyo khasaaraha dhankooda kasoo gaaray.

Jazeerada Kudhaa ayaa horay Shabaab waxaa uga qabsaday ciidamada Maamulka Jubba oo muddooyinkaan dambe ka talinaayay, hayeeshe saaka aroortii ayaa laga qabsaday deegaankaan.

 

Salaanmedia/Moqdisho

Xigasho Dhacdo