DEG DEG: Qarax ka dhacay Magaalada Kismaayo

Wararka inaga soo gaadhaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya in saaka Magaaladaasi uu ka dhacay qarax Miino oo aad u xoogan.

NEWS

Qaraxaan, ayaa waxaa la sheegayaa in noociisa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in khasaaro uu ka dhashay qaraxa saaka ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Jawiga Magaalada oo degan ayaa sababay in dhawaqa qaraxa aad looga maqlay Magaalada gudaheeda, taasi oo argagax gelisay shacabka Magaalada ku nool.

Wariye ku sugan Magaalada Kismaayo, ayaa soo sheegaya in qaraxa uu ka dhacay halka loo yaqaan Suuq Mugdi oo ah Bartamaha Magaalada Kismaayo.

Ilaa hada waxaan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi iyadoo goobta qaraxa uu ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan Maamulka KMG ee Jubba oo goobta isku gadaamay.

Qaraxaan ka dhacay saaka Magaalada Kismaayo, ayaa kusoo aadaya xilli maalin kahor Shabaab dagaal culus ay kula wareegeen Jazeerada Kudhaa oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose.

Maamulka Jubba ayaa shalay sheegay in dagaalkii ka dhacay Kudhaa ay ku dileen 75-askari oo Shabaab ka tirsan, sidoo kalena ay ku dhaawaceen kudhawaad 50 Askari oo Shabaab ah.

Salaanmedia/Moqdisho