Deg Deg: Taliyihii Ciidamada Asluubta Ee Gobolka Shabeelada hoose Oo Goordhow Lagu Dilay Magaalada Marka

Allaha U naxariistee Taliyihii Ciidamada Asluubta Ee Gobolka Shabeelada hoose Col. Bashiir Xaaji ayaa lagu dilay Gudaha Magaalada Marka.

NEWS

Marxuum Bashiir Xaaji dilkiisa waxaa ka dambeeyay Maleeshiyaadka Mooryaanta ee Ka tirsan Dowlada Federaalka.

Taliyaha ayaa markii la dilayay waxaa uu ku suganaa Gudaha Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose, isagoo xiligaasna la sheegay in uu ku guda jiray Shaqada uu haayay Shacabka Shabeelada hoose.

Meydka Taliyaha ayaa la dhigay Isbitaalka guud ee Magaalada Marka, halkaasi oo la filayo in laga qaado saacadaha soo socda si loo aaso. Dilka loo geystay Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa waxaa laga dareemay Magaalada Marka.

Alle ha u naxariistee, Marxuum Bashiir Xaaji ayaa xilal badan kasoo qabtay Dowladii uu hogaaminayay Marxuum Maxamed Siyaad Barre, waxaana hada uu ahaa Taliyaha Ciidamada Asluubta ee Gobolka Shabelada hoose.

Salaanmedia/Moqdisho

Xigasho Markacadey