Dhalin yaro xisbiga Waddani ka tirsan oo Garadag calanka Kulmiye ku gubay oo 7 sanadood oo xadhiga maxkamadi ku xukuntay by Abdi Mustafe

kulmiye_257_250

Marka dowlad African ihi sii baqtiyeyso shicibka ayey cabudhisaa oo xadhig iyo tacadi kala daashaa. Wareysi lala yeeshay Mayorka magaalada Garadag ayaa xaqiijiyey in dhalin yaro 6 ah oo calanka Kulmiye gubay in maxkamadi ku xukuntay min 7 sano oo xadhiga. Maan fajicin manaan yaabin markaan dhegeystay mayorka hadal kiisii sababtoo ah waa astaanta talisyada nugul in ay bulshada kula kacaan waxaa iyo wax ka daran. Lixdaa qof sababta uugu weyn ee loo xidhay waxay ahayd in ay ka tirsanaayeen xisbiga Waddani. Waa lala socday in Badhasaabka Ramaax amar laga siiyey madaxtooyada oo lagu yidhi ka qeyb gal maxkamada oo xukun dhalinyarada dalka oo dhan baqa geliya ku xukuma. Maanka la idinka qaad ma dhalin yaro ayaa xadhig ka baqata weyba ku sii daraaraan e. Xaalada dalku halkaa iyo meel ka sii daran ayuu marayaa. inantii weriyaha Garadag ahayd ee HCTV u fadhiday markay dhacdadaa calanka lagu gubay duubtay ayaa iyadan jailka la dhigay. Hada waa la soo daayay laakiin waxa lagala hadhay qalabkii ay ku shaqeyneysay.

U fiirso talaabooyinka nacas nimada ah ee xukuumadu ku kacayso. Siday qalab aanay iyagu lahayn uula hadhi karaan. Berbera iyo Gabiley iyaga waa lala socdaa wixii qabsaday weriya yaashii laga xidhay. Xaalka dalku wuxuu marayaa meel ka heer sareysa inta ay Silaanyo iyo Xirsi iyo Amina Weris wax ka garan karaan oo maalin dhow waxaynnu arki iyagoo suuqa la jiid jiidayo.
Meel wal oo laga mudaharaado waxaad ku arki calanka Kulmiye oo la gubayo ee maxay ka qaban karaan. Waxaad arki Calanka Kulmiye oo dameer loo xidhay….

 

Abdi Mustafe 

abdi_mustafe123@yahoo.ca