Dowladda Ingiriiska oo walaac ka muujisay khilaafka madaxda dowladda

image Dowladda Ingiriiska ayaa waxa ay ka hadashay marxalada siyaasadeed ee xaalada dalka Soomaaliya, iyadoo muujisay walaac ku aadan xasiloonidarada Siyaasadeed ee Soomaaliya ka taagan.

War kasoo baxay dowladda UK, ayaa waxaa lagu sheegay in Ingiriiska ay aad uga xun yihiin xaaladaha siyaasadeed ee dalka Soomaaliya hada uu ku sugan yahay, maadaama hogaankii dalka ay is khilaafsan yihiin Afhayeen u hadlay dowladda Ingiriiska ayaa sheegay in dowladda ay ka walaac santahay kacsanaanta siyaasadeed ee Soomaaliya, qatarna ay ku tahay horumarka Soomaaliya dibna ay u dhigeyso horumarkii siyaasadeed, amni iyo hormaradii kale ee Soomaaliya ay ku tilaabsatay waayahan dambe. Warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda Ingiriiska, ayaa loogu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya in khilaafka dhexdooda ay ku xaliyaan qaab wadahadal ah, maadaama Soomaaliya ay tiigsanayso himilooyin fog oo ku aadan horumaro kala duwan.

“In khilaaf uu dhaco xiligaan waa wax laga xumaado iyada oo Isbuuc ka harsan yihiin shirkii looga arinsan lahaa horumarada laga gaaray nidaamka New Deal, kaa oo ka dhici doona Copenhagen, halkaa oo Soomaalida iyo taageero yaashooda beesha caalamka ay ku kulmi la haayeen”Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay UK Sidoo kale dowladda UK ayaa waxay muujisay in mar waliba taageerayso horumarka siyaasadeed, amni dhaqaale, midnimada iyo Federaalka dowlada Soomaaliyeed. Waxaa isa soo taraayo walaaca Beesha caalamka ay ka qabto arimaha dalka Soomaaliya, maadaama khilaafka madaxda dowladda ka dhaxeeya uusan muuqan in xal laga gaaray.

Salaanmedia/Mogdisho