Dowladda Kenya oo dib u furtay afar Masaajido oo toddobaadkii hore lagu xiray Magaalada Mombasa

timthumb

Dowladda Kenya, ayaa waxay maanta dib u furtay afartii Masaajid ee toddobaadkii hore ay ku xirtay Magaalada Mombasa ee Xarunta 2-aad ee Kenya, ka gadaal markii ay Boolisku sheegeen in hub iyo walxaha qarxa ay ka helayn.

Toddobaadkaan, ayaa waxaa Magaalada Mombasa ka soconaayay wada hadalo u dhaxeeya Dowladda iyo Siyaasiyiinta deegaanka, iyagoona isku waafaqay in Masaajidada lagu wareejiyo Guddi, ay soo magacawday Dowladda.

Masaajidada maanta dib loo furay, ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Musa, Sakina, Swafaa iyo Mina, mid ka mid ah Masaajidada waxaa Salaaddii Duhurka ku tukaday Siyaasiyiinta Magaalada Mombasa.

Gudoomiyaha Magaalada Mombasa Ali Hassan Joho, ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Masaajidada lagu wareejiyay Guddi laga soo xulay deegaanka, si aynaan u noqon goobo ay isugu yimaadaan taageera-yaasha Al Shabaab, sida uu yir.

Gudoomiyaha, ayaa dadka deegaanka ka codsaday inay ka feejignaadaan dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, isla-markaana ay soo sheegaan shakhsi kastaa oo ka tirsan, kolka ay arkaan.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Mombasa, ayaa si xoogan kaga carooday tallaabada ay Booliska albaabada isugu laabeen afarta Masaajid, waxayna Culimada Muslimiinta dalbatay in si deg deg ah dib loogu furo.

Ururka Al Shabaab, ayaa Sabtidii dil wadareed waxay ka geysteen duleedka Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxayna ku sheegeen mid ay ugu aargudayeen Muslimiinta lagu dhibaateynaayo Mombasa.

Salaanmedia/Moqdisho