Dowladda Mareykanka Oo Ku Hanjabtay In Ay Joojineyso Taageerada Dhaqaale & Milatery Ee Ay Siiso Dowladda Soomaliya.

usa

Dowladda Mareykanka ayaa ku hanjabtay in ay gebi ahaan goyn doonto dhaqaalaha ay siiso dowladda soomaliya, sababtuna ay tahay is qabqabsiga iyo muranka dhex yaala madaxda soomaliya.

Ergeyga Mareykanka ee Soomaliya u qaabisan James P. McAnulty ayaa la sheegay in uu ugu hanjabay madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli  in ay dowladiisa joojin doonto dhaqaalaha ay siiso hadii aysan xalin khilaafka u dhexeeya.

Hadalkan ayaa Wakaaladda AP ka soo xigatay mas’uul ka tirsan dowladda soomaliya oo diiday in magaciisa la shaaciyo.

Sidoo kale Mas’uul ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in bulshada caalamka ay ka niyad jabtay soomaliya, dowladda Mareykankana ay ku hanjabtay in ay joojin doonto kaalmada lacageed iyo mida dhaqaale ee ay siiso dowladda.

Dowladda Mareynkanka ayaa sanadkan siisay  Soomaliya aduun lacageed oo gaaraya 58 Million oo dolar, oo ay dheer tahay 271 Million oo dolar oo taageero dhinaca ciidanka ah oo la siiyay ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom.

Dowladda Mareykanka ayaa horay ugu baaqday madaxda soomalida in ay khilaafkooda dhinac iska dhigaan, sidoo kalena qaadacday in ay wafdi u dirto shirka Denmark sababtuna ay tahay khilaafka madaxda soomalida.

Salaanmedia/Moqdisho