Duqii(Mayor) hore ee Moqdisho Tarsan oo maanta Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay Xisbi Siyaasadeed..

tarsan

Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), ayaa waxa uu maanta Magalaada Muqdisho kaga dhawaaqay Xisbi Siyaasadeed, kaasoo uu ugu magac-daray Xisbiga Cadaaladda iyo Bulshada.

Munaasabad maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho, ayaa looga dhawaaqay Xisbiga Cadaaladda iyo Bulshada, waxaana ka soo qaybgalay Xildhibaano, Siyaasiyiin, aqoonyahano, dhalinyaro iyo haweenba.

Maxamuud Axmed Nuur oo ka hadlay Munaasabada, ayaa waxa uu balanqaaday inuu ku shaqayn doono Cadaalad, isagoona mid muhiim ah ku tilmaamay in la helo sinnaan, si dalka looga saaro dhibaatada uu la daallaa dhacaayo.

Tarsan waxa uu cod kore ku sheegay in dhibaatada dalka ragaadisay ay ugu wacan tahay, iyadoo meesha ay ka maqan tahay Cadaaladdii iyo Sinnaantii Ummada Somaliyeed, sida uu yidhi.

Tarsan waxa uu hoosta ka xariiqay in Xisbigiisaan uu xubin ka noqon karo shakhsi kasta oo Soomaali ah, meesha uu doono haka soo jeedo’e, uuna diyaar u yahay inuu soo dhaweeyo.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, ayaa horey ugu dhawaaqay inaanu ka bixin Siyaasada, isla-markaana uu dib kaga soo muuqan doono, kolka waqtiga saxda ah la gaaro.

Tarsan oo nin cod kor ah, fir fircoona, ayaa waxa uu wada shaqayn muuqato uu ka helay Saxaafada, mudadii uu ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magalaada Muqdisho.

Baarlamaanka Somaliya, ayaa dhawaan looga fadhiyaa inuu meel mariyo Nidaamka Axsaabta badan, si looga gudbo halbeega awood qaybsiga beelaha ee 4.5.

Salaanmedia/Moqdisho