Faalo…Mooshinkii Muqdisho oo fashilmay iyo kooxda dammu jadiid oo shir weyn villa Somaliya kuqabsatay qoshaha cusub ee weerarka burburinta somaliya.

FAALO

Waxaa xalay saqdii dhexe galay baarlamaanka somaliya ciidamada nabadsugida oo madaxweynaha ka amar qaata, saaka salaadii subax ayaa waxaa hareereyey ciidamada amisom ee ugaandha kayimid waxaana laga urursaday ciidamadii nabadsugida somaliya qoryihii iyo bastooladihii iyagoo fara madhan ayeyna kahuleeleen qasrigii barlamaanka oo uu qorshahoodu ahaa in xilibaanada baarlamaanka qasab lagaga saxiixo inay ridaan raysalwasaare cabdiwali oo si sharciya ku yimi sharcigana adeegsaday beesha caalamka oo dalka somaliya 50,000 oo ciidana ay kajoogaan si buuxdana umaamula ay taageerayaan dalka somaliyana sibuuxda ula wareegay taladii dalka

waa kacaankii 21 kii october cusub oo waliba sharciyeysan dana u ah somali shacabka somaliyeedna taageersanyihiin. warsaxaafadeedkii raysalwasaaraha somaliya ee galabta wuxuu muujiyey inuu si kalsooni leh u burburiyey mooshinka xilka looga qaadayey imikana uu xukuumad cusub soo dhisayo ay udhamaatay xasan sheekh iyo dammu jadiid waxaa layaab leh in caawa uu xasan sheekh katashanaayo sidii loo ridi lahaa gudoomiyaha baarlamaanka oo meel marin waayey damiciisii uu rabay inuu raysalwasaaraha ku rido

Hadaba maxaa xiga oo lagudboon raysalwasaaraha si dalka dawladnimadiisa loo sugo waa in dawlad cusub uu soo dhiso si looga baxo khilaafkii ragaadiyey dalka hawlhii caadiga ahaa ee dawladana loo sii wado taasoo kadhigaysa inta doorashada kahadhay in dalka somaliya uu maamuli doono raysalwasaaraha cabdiwali waana qorshihii uu dajistay xasan sheekh inuu isagu gaadhsiiyo doorashooyinka si dib loogu soo doorto taasoo dhaawac wey imika ku keenaysa kooxda dammu jadiid oo qorshaystay inay dalka sii maamulaan si ay udhistaan awood siyaasadeed oo aan lajoojinkarin dalkana uu gacantooda ugalo guud ahaan kooxdan oo kaqatarsan alshabaab waxay kudhexmilmeen qabaailka somaliyeed waana xoog jira oo jaamacadaha dalka gacanta kuhaya dhaqaale badana haysta cidina aanay kahorjoogsankarin koonfur maamulka inay degdeg ula wareegaan maanta waabaa kubaryey bahal baa godkii ugu galay waana lahaya. hadii ay gaadho 5 december madaxwerynaha somaliya ama wuu is casilidoonaa ama wuxuu noqon doonaa madaxweyne bilaa awooda oo lamida ka itoobiya talada dalkana waxaa lawareegaya raysalwasaaraha.

Habiil Cabdi Haybe

London