Gabayxoogle iyo Tixdii Gabay Ah u Tiriyey Ninkii Qoray Buuga Xadka Ridda Maxaa Ka Run Ah Oo Maqal ah Dhagayso

gabay

Asalaamu calaykum , dhammaanba waan salaamayaa hawlwadeenada shabakadaha warbaahinta iyo bulshada muslimka ah .

Baryahanba waxa jiray nin islaamka ku aflagaadeeyay amaba waxyaabo diinta islaamka ka mida ku duray buug uu qoray oo la yidhaahdo (XADKA RIDDADA MAXAA KA RUN AH?). Buugaas oo bilahanba culimada soomaaliyeed aad uga hadleen iftiimiyeena meel ka dhacyada badan ee ku sugan isla markaas ay uga naseexeeyeen inuu waxyaabaha gaalnimada ah ee uu qoray ka noqdo , nasiib daro wali waa kusii madax adagyahay oo waxaa cad inay badheedh tahay .

Hadaba waxaan anigu albaabka u furayaa tiraabtii suugaaneed ee ninkaas wadada loogu soo ridi lahaa hadii laga waayana loo cadayn lahaa dariiqiisa habawsan, anigu waan yara faadhfaadhayaa ee waxaan baaq u dirayaa dhammaan abwaanada soomaaliyeed inay arintaas si waafiya uga hadlaan .

 

Tixdan oo dhawaan iyada oo cod ahaana soo bixi doonta waxuu yidhi:

 

Dadkan wada yar cawl-cawlaneed carabta moodayso

Ciyaal faranji maahee , jidhkay yara cadeeyeene

Garoo waa colkii soo noqdiyo , sheeko celiskiiye

Cudduradan qurbaha laga dhaxliyo , caydha iyo beenta
Cadrad waaligeed lagu nixakaxay , Camalu shaydaankan
Waa caaqan ubadkaa noqdiyo, waalid caasiga,e
Soomaali camalkii hore iyo caynkii haw filane
Hadaad ceeb ogayd maanta waa caado iyo faane
Cilmaani iyo gaal iyo la sheeg calankii shiicada,e
Darkaloo dab caabudahayoo coofleh baa imane
Colkan aan arkiyo diini way kala carceereene
Waxseen Caamiroow gabay codkii caynka uga baanay
Ceelkaan wadantuun daree , taydu waa curube

Waan yara camaajurinayaa , ciidan baw hadhaye

Kuwii ciijin-laa iyo intii ciilqabtaw maqane
Ragii caarifiintiyo , hadaad culimadii gaadho
Ceelkaa Hargaysaba rag-baa caana ku ahaaye
Iyagaan afkuna ciilahayn, maalintii culuse
Caabudla,a iyo Boorame ilaa saylac cidhibteeda
Cayn iyo Burciyo sheekh, hadaad laaskii ku carawdo
Ceeri iyo sanaag idil, ilaa cidhifka laascaano
Ama aad cadaadlay iyo, Barbara ciidii karin gaadho
Ceelbuur  dhaaninyo, ilaa webiga ceegaaga
Carigii Jigjiga iyo bankii , caado iyo faafan
Ilamaa cadceed iyo cadceed, balad caruuseedka
Ninkastoo cod gabay sheegi kara cududa soomaali
Markay reero yara caytamaan, waysu cugataane
Hadii diintan ruux caawiyoo , ka hal ceshaa joogo
Maantaba Cifriit baa wax qoray caado qaata ahe
Caamiye indhala,a baa hadliyo ciifle baadi ahe
Car ku yooma qolo-qolaba waaw kala cadhaysaane

 

Afar kale hadaan caamiroow caynka gabay baano
Soomaali camalkii hore iyo caynkii haw filane
Hadaad ceeb ogayd maanta waa caado iyo faane
Cilmaani iyo gaal iyo la sheeg calankii shiicada,e
Darkaloo dab caabudahayoo coofleh baa imane
Colkan aan arkiyo diini way kala carceereene

Mid caynkaa matalayaan arkoon calaf u laabnayne

Cabbir oo dheh diintaba hadii lagu cayuuqaayo
Oo ay cidbaa tidhi naf kale cidi ka yeelayso 
Cali-baa khufaynkii masxiga hoos u celinlaaye
Waa camalkii nebi Muxammed(scw) ee caadil soo rogaye

Cibaadiyo hanuun weeye aan caasi loo qorine
Waa Caano dhay oo lisoon , ciir aqbalahayne
Waa cadaan qalbiga caafiyihi ku cibro qaataaye
Hayeeshee ninkii cudur qabaa, wuu ku cadanyoone
Cidhiidhuu nifaaqliyo ku yahay , sayn cadaalaha,e
Cilmigiyo tansiilkiyo ninkaa culimadii diiday 
Ee yidhi caqlaan maalayaa nebi cisayn maayo
Ee Muxammed(scw) Caayee ku yidhi bililiquu cuurtay
Ee caad ka dhigay xeer riddada lagu ciqaabaayay
Ciinkii Siyaad daaqaybuu caawa dhamayaaye
Inkastuu cabudhiyay oo, irsiga keenadaw celiyay
Canaad madax adaygii markuu culimadii laayay
Waa laga cabaa meeluhuu cararay waagiiye
Caabudwaaq warkiisaad ka heli , tan iyo ceelwaaqe
Isaguna dhabii coon haligay Caad wakaa maraye
Wakaa carceeree ibliis qaatay calankiiye
Wakaa cadaabkii Rabbi,iyo ceeb yaboohsadaye
Balse laba cod kuu furan miduun caawa taladaye
Inta aan candhuuftiyo naftani, cunaha kuu dhaafin
Ama aan Caroogiyo dhawaaq cadhadhaqdii yeedhin
Ee aan cadeedani galbeed dib uga soo caaryin
Cafwi-baa ilaahay ka furan toobad celinteede
Caawaba usoo noqo hadii cidhibi kuu taalo
Hadii Kale Ciyaalkii fasaxan cadhada waalaaye
Waydinkaan rag aan cadayba jabin cawda go,yn jirey
Cabdulqaadir iyo waydinkii caalinkii dilaye
Haduu caawa noolyahay dunidan , ciyaw ma yeedheene
Oo cagabaruur-kaa isbiday , ma cantableeyeene
Shaydaan ragii caydhin jiray waydinkii cunaye
Ku cabaada kaasaan nin ragi kugu canaanteene

 

Qorane Wacays (Gabayxoogle)

gabayxoog@hotmail.com