GOLAHA BAARLAMANKU WAA INUU QARANKA BADBAADIYAA, MADAXWEYNAHANA AWOODDA LAGA XAYUUBIYAA. MAR HADDII QARANKU HALIS MARAYO.

GOLAHA BAARLAMANKU WAA INUU QARANKA BADBAADIYAA, MADAXWEYNAHANA AWOODDA LAGA XAYUUBIYAA. MAR HADDII QARANKU HALIS MARAYO.

maqaal 

Waxaa xaaraan ah oo aan dastuurka meella kaga qorayn, in xukuumadi yeelato hay’ad samafal ah. Hay’ad samefal waxaa hawlgalin kara muwaadiniin madaxbannaan, waxaanay qaban karaan, hawl kasta oo samafal, ama adeeg xuquuqal insaanku fasaxayo, loona fulinayo ruux kasta oo ay xukuumaddu awood u wayday, inay gargaar dagdag ah, oo iyada ku waajib ah gaadhsiiso. Ama ruux baahida uu qabo anay daboolaynin xeerarka waxka qaban lahaa, baahidaasina ay tahay mid ka baxsan, in ta xeerka iyo dastuurka qaranku dhigayo. Sida baahi dheeraad ah, oo xaalad ruuxa la soo daristay ku timi.

 

Ma dhacdo in xukuumadi sheegato, inay samafal gaadhsiinayso, dad muwaadiniin ah, waxayse bixin kartaa inay gudato waajibka ka saran baahida ruuxa muwaadinka ah haysata, ha ahaato mid guud, ama mid gaar. Inay xukuumadda siiraanyo yeelato hay’ad samafal ah, waxaa sharci darro, mana qorayo dastuurku. Waxay taasi keenaysaa, inaan madaxweynuhu garanaynin waajibka iyo xilka saaran, waana awoodda lagaga qaadi karaa haddii lagu soo oogo.

 

Waxuu siiraanyo si badheedha u dhantaalay wasaaradihii masuuliyaddu ka saarnayn kobcinta shaqaalaha dawladda, sida hawlaha guud, oo uu dhammaanba ka wareejiayay adeegyadii bulsho, ee ay u qaban lahayd qaranka, iyo inay dhaqaale ku soo kordhiso dawladda, shaqaalaynna samayso, si ardayda jaamicadaha dhamaysataa uga hawlgalaan wasaaraddaasi, halkoodiina uu si sharci darro ah usamaystay, laan hoostimaadda madaxtooyada, oo la wareegtay adeeggii bulshada, ee wasaaraddii hawlaha guud, iyo inay shaqo abuur samayso, waxaana halkoodii hantida qaranka looga faa’iideeyaa dad qawlaysato ah, ama qabyaalad lagu naasnuujiyo, qarankana kala daadinaysa, oo adeegkasta, oo ayqabanlahayd wasaaradda hawlaha guud, lagu maalgeliyaa dad looga faaiideeyo hantida qaranka, oo qandaraas lagu siiyaa, hawlihii wasaaraddaasi siday u dhammaayeen.

 

Waxuu samaystay siiraanyo wasaarad isaga hoos timaadda, oo adeeg kasta oo masuuliyad dagmo ku koobnayd, oo qandaraaslayaal loogu gunno sameeyo. Dawladda hoosena lacagta bixiso, sida waddooyinka oo madaxtooyadu qandaraas ku bixiso. Hawlahaas oo aan midnaba weli la soo hordhigin golayaasha baarlamanka, ayna tahay dastuurka oo lagu tuntay. Waxayna keenaysaa, in siiraanyo awoodda lagaga xayuubiyo, maaddaama uu dhismihii wasaaradaha wax soo saarka maaxduminayo.

 

Waxaa ka sii daran hantida maguuraanka ah, iyo gaar ahaan guryaha shaqaalaha dawladda, ee aan sharci lagaga maarmo, iyo baahida loo qabo aanay ahayn mid laga kaaftoomay, oo uu si badheedh ah, ugu takri falo, una samaystay, guddii uu sheegay inay qandaraasyada qaabilsan yihiin. Quddidaas oo ah mid aan madax bannaanayn, maaddaama aanay soo magacaabin hay’ ad ka madaxbannaan madaxtooyadu, taasina ay tahay xadgudub, inay guddi madaxtooyadu samaysatay qandaraas hantida qaranka ku bixiso. Hantidaas oo ah mid aan laga maarmin, baahi waynna ay u qabaan shaqaalaha dawladda ee guryaha la’.

 

Waa xaaraan in la cidhib tiro guryaha hantida qaranka, ee shaqaalaha dawladda ku magacaaban. Hanti shaqaale dawladeed cid gadi karta, iyo cid sharci u haysata in laga maarmay, midna ma jiro. Weliba hantidaas oo aan hay’adaha baarlamanku waxba kala socon, takri falkoodana aanay war ka haynin, iyagana aan loo bandhigin sida ay ku ansaxayso in la gado.

 

Shaqaalaha qaranku in guryo loo sameeyo ayay u baahan yihiin, iyo daryeel, mase aha in dastuurka iyo sharciga la jebiyo, oo hanti qaran, la cidhib tirin, oo aan hadhaw wax lagu beddelo jirin. Waana dambi siiraanyo iyo wasiirka hawlaha guud ay si toosa u galeen, dembina ah, xilkana lagaga xayuubin karo madaxweynaha, isaga oo takri fal sharci darro ah ku sameeyay hantida qaranka ee maguuraanka ah, oo aan sina looga maarmin.

 

Waxuu siiraanyo si badheedh ah u dhantaalay hay’adihii ammaanka, oo uu hawshoodii si sharci darro ah, ula wareegay. Waxuu dhantaalay adeeggii ciidamada nabadgelyada, iyo waajibaadkii ay u igmanaayeen, oo iyaga oo ku magacaaban, ay ciidamo siiraanyo ka amarqaataa, ee RRU lagu magacsheego, xilkoodii u la wareegeen, si aan dastuurka waafaqsanayna u fushadaan wax kasta oo madaxtooyada raalli gelinaya, xataa hadday sharcidarro tahay, waxaana si toosa uga masuul ah dembi kasta iyo sharci darro kasta oo ay falaan madaxweynaha, oo isagu isu xilsaaray, inuu hawshii ay ciidamada nabadgelyadu u igmanaayeen, uu awood ugu wareejiyay ciidamo uu isagu samaystay, sharci darrona u fuliya adeeg aanay awood u lahayn inay fuliyaan. Taas oo aan wax arrin ah, ama sida ay u shaqagalayaan baarlamaanku ka war haynin. Xeer ay ku joogaan, oo dastuurka ku taallaana aanu jirin.

 

Waxay si toosa ula wareegeen hawlihii ciidamada nabadsugidda, oo haba yaraatee aan hawshoodii maanta awood u lahayn inay fuliyaan, halkoodiina ay ka hawlgalaan ciidanka siiraanyo samaystay, ee RRU, ee aanay caddayn sida ay ula wareegeen ciidamada nabadsugidda shaqadoodii, ayna tahay awood aan dastuurka waafaqsanayn, oo siiraanyo ku tallaabsaday, ay sharci darro tahay, madaxweynahana awoodda lagaga xayuubin karo, marka lagu soo oogo.

 

Waxay tahay, in sharcigii saxaafadda la laabay, awoodna loo isticmaalo, sharci darro ah, oo ciidamo siiraanyo samaysta, ee RRU, ay si sharci darro ah, ku weeraraan cidkasta oo dhalliisha, ama shaeegta dambi xukuumaddu gashay, ama iftiimiya dhalliilaha xukuumaddu ay gasho. Kuwaas oo ku yimaadda aqoon darro xukuumadda, ama xukuumadda oo xilkeedii gudan kari wayda, kuna daboosha , inay ku tallaabsato sharci darro kasta, oo ay ku daboolayso ceebta, iyo dembiga loo qabsan lahaa. Waa arrin kale oo u saamaxaysa galayaasha baarlamanku inay soo jeediyaan mooshin xilkaxayuubin ah, oo madaxweynaha awoodda lagaga qaadayo.

 

Waxaas oo dhammi waxay ka turjumayaan takri falka madaxtooyadu caadaysatay, ee aanay ka waantoobaynin, iyo meeqaankii qaranka somaliland oo ay gaysay, meesha ugu hoosaysa. Iyada oo aan xukuumaddani weli baarlamanka horkeenin inuu qiimayn ku sameeyo wixii ay ka qabatay, xilkii ay dalbatay, inay wada xaajood la galayso maamulka Soomaaliya, welina aanay meel dhaafsiisan halkay ku bilawday aanay jirin.

Saddex sano oo wada xaajood ah, qodob qudha oo ka hirgalay qodobbadii ay xukuumadda siiraanyo wadatay ma jiro. Illaa maantana baarlamanka may ku soo celin wax arrin ah. Iyo inuu baarlamanku qiimayn ku sameeyo wada xaajoodkaas, oo hadduu u arko inaanu midho dhal ahayn, la iska laabo.

 

Xukuumadda maalintii ay kursiga kortay, waxaa u yaallay waajibka ugu horreeya, oo ahaa in diiwaangelinta codbixiyayaasha la dhammaystiro, ahaydna inta xilka ay xukuumadda siiraanyo joogto sanadka ugu horraysa la dhamaystiro, maadaama ay tahay qabyada ugu haraysa ee u taallay xukuumaddiisa. In manta la isweyddiiyo in diiwaangelinta codbixiyayaashu dib u dhacdo, waa xaaraan, waana dembi saran xukuumadda, hadday waxba ka qabanweyday afarsano oo ay xukunka haysay.

Waxay caddaysay inay tahay xukuumad aan awood ay qaranka ugu adeegto iyo xarfad doona lahayn. Waana dembi inay qaranka ugaysato dhantaal iyo dhib intaa ka badan.

 

Waxaas oo dhan xukuumaddu dhego uma dhigayso, waxaase cad in aanay ahayn waxyaabo ay marnaba kaga baxsan karto in Siiraanyo xilka lagaga xayuubiyo.

Golayaasha baarlamanka xil ayaa ummadda ka saaran, waajibkuna waa inay ummadda daryeelkeeda u taagnaadaan, wixii hantaaqayana ay sharciga iyo dastuurka qaranka ku fuliyaan. Si qaranka loo badbaadiyo.

 

Eng. Yousuf Ahmed

jicsin@hotmail.com

London U. K.