Goldaloolada Maanta, Ma Gufayn Kari wayday, Waa Geeraar aad u Qiimo Badan, oo ku Wajahan Golaha Guurtida,Talooyin Qaranna Xambaarsan.By Cabdiwelli Yalas.

cabdiweli

Goldaloolada Maanta, Ma Gufayn Kari wayday, Waa Geeraar aad u Qiimo Badan, oo ku Wajahan Golaha Guurtida, Talooyin Qaranna Xambaarsan..By Cabdiwelli Yalas.

Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan bahda saxaafada xorta ah iyo shacabka qiimaha leh ee reer soomaaliland ee asalaama calaykum waramatulaahi waabarakaatu. bacada salaan ku soo dhawaada Goldaloolada Maanta.
Anigoon gefahaynin

Cidna gaasira haynin

Geeraarkan dhegaysta

Waxgarad baynu lahayn

Dad-ku soo guray oo

Dalka gees ilaa gees

Gaaf wareegi jiroo

Gacaltooyo leh oo

Dhex u soo gurmadoo

Goob dagaal ka dhacaayo

Dhiigu uu gobo leeyey

Inta ay dhex galaan

Go cad uun u luloo

Gogol weyn dhiga oo

Guul weyn dhaliyoo

Soo gunaanada hawle

Hada saw may giriifin.

Hadii uu nin gaboobay

Ku gabood falo dhaartoo

Garta eexo u qaado

Gadhwadeen ma noqdoo

Xaajo kuuma galee

Guurtideeni bal eega

Sida ay u gamaartaye

Golihii u daciifaye

Xilkoodii ay u gabeene.

Saleebaan galaaftaye

Runtaan soo gudbinaayiyo

Geeraar kan dhegaystoo

Gurigan aynu ku noolay

Geesiyaal buu lahaa

Xaqa gees marinoo

Laaluush aan gayinoo

Hadii waaxyo la gooyo

Ama gawrac la saaro

Garashadooda tashoo

Godob aan gelin oo

Gardaroonin waqoode

Tani waaba gariire

Lixdan guuriyo iyo ahaatan

Inta geesi shahiiday

Cadaalad bay u go’een oo

Godka ay u galeen oo

Baadi goob loo ahaaye

Goldaloolada maanta

Ma gufayn kari wayday

Guule ha ina gargaaree

Murtidan aan gudbinaayiyo

Geeraar kan dhegaysta

Gadabiirsiga awdal iyo

Ciisahaa la gudboon iyo

Dhulbantahaa gurxamaayiyo,

Warsan gelow soo dhawaada

Gacmahiina i siiyoo

Gacal kayoow i dhegaysta

Dunidu waa kala guuroo

Geeskan aynu ku noolay

Geeddaa lagu yoo

Hadaynaan u guntan

Garaad keena midayn

Gaalaa qabsan doonte

Gacma ma is qasanaa?

Ceeri gaabo iyo ceelka=ceel afweyn

Gar adag Oog iyo Cayn

Goonyaheeda Togdheer

Oodweyne Garbaa

Guban buur iyo Saaxil

Gacanlibaax iyo Hawd

Salaxlay ciida galoodhan

Gabiilay oo cudud weyn le

Gacmaha aan is qabsanee

Gacalkayoow soo dhawaadoo
Waabilaahi tawfiiq
By CabdiwelliCabdihaali Yalas.