Golihii Madasha laguma dhex arko A/rahman A/bdilqaadir Raganimoy nin kaagii nacas nimo maxaa baday by Abdi Mustafe

MAQAAL

Khdbadaha A/rahman A/bdilqaadir ayaa waxa ku jirtay muuminka god laba jeer laguma wada qaniino isagoo markaa u jeeday mar baan Silaanyo u qaldamay oo mar labaad igu guuri maayo. Kol haduu maanta Abdirahman qoyskii Silaanyo dib uula heshiiyey oo madashii lugu dhex arki waayey oo maalintii saxaafada ee awalba uu ka hadli jiray ka muquurtay taasi waxay cadeyneysaa in aannu ahayn nin muumina sida uu isagu sheegay. Bulshada Somaliland oo dhan baa wada og in uu dhabarka Silaanyo uuga jabay iyagoo gaadhi xawli ku socda ku jira oo Silaanyo Berbera kaga hor tegaaya. Hadana Silaanyo wuxuu noqday ninkii yidhi soo geli maayo shirkii Kulmiye ilaa ina Abdilqaadir laga dhex saaro. Madashaana waatii mar labaad qoorta lagaga jebiyey.

A/rahman A/bdilqaadir khudbadihiisii uu kaga waramayay xumaanta Silaanyo gedigood wey duuban yiin oo youtube ka ayay ku jiraan. Hadana maalin dhaweyd ayaa waxa Silaanyo iyo Abdirahman isu soo jiiday hablaha ilma Abdilqaadir. Abdirahman waxa qoyska Silaanyo gudoon siiyey $150,000 waxana lagula heshiiyey in aannu wax danbe ka sheegin. Qoyska Silaanyo waxay ogyiin in Abdirahman hayo siro fara badan oo uu soo bandhigi lahaa oo ka xun inta uu kudbadihiisa ku sheegay. Aad iyo aad bay u dhibsadeen in Abdirahman xoga fara badan oo Kulmiye iyo qoyska Silaanyo leeyiin uu soo hadal qaado dabeed waxay kaliftay inay lacag ku baayacaan isaga iyo hablihii soo jiiday ba.Waxa Bulshadu sugaysay bal in uu ka soo qeyb galo maalinta saxaafada laakiin may dhicin oo waa af wax cunay xishoo. Waa ragga nimo daro iyo doqon niimo nin bulshada ka helay naxariis badan oo lagala wada xumaaday waxa lagula kacay in uu aad yar madaxtooyada u duso.
Abdirahman dhowr jeer buu dhintay oo markii uugu danbaysay waa iminka oo uu qiimihiisii lacag ku doorsaday. Raga nimoy nin kaagii nacas nimo maxaa baday.
Abdi_Mustafe123@yahoo.com