Goodbye qoyska Silaanyo iyo raxanta ku xeeran ee wasiiro iyo wakiilo iyo maan-gaab leh by Abdi Mustafe

maqaal

Abwaan Ahmed Ismail Deria ( Qassim ) ayaa markii la dhibsaday dowladii markaa jirtay oo cawaro lagu naa neysi jirey ee khaat-yaan la iska taagay ayuu tixdan tiriyey 1969 isagoo saadaalinaaya isbedel in uu dhici doono. Dabeed waa kii kacaankii curtay isla sanadkaa. Isla gabaygii hadaad eegto waxay u muuqataa in uu inagaga filaan karo waqtigan xaadirka ah na ee xukuumada Silaanyo la dhibsaday siday wax u wado oo u badan boob, eex, qabyaalad, cabudhin iyo caga jugleyn iyo ictiraafkii oo meesha ka baxay. Waagii Faqashta ayaaba dhaamay sidan wax u socdaan ee guryihii iyo hantidii guud dhamaan la iibsaday een xishood iyo dowlad nimo toona jirin.Hadaba mar labaad ayuu gabaygani munaasab yahay ee akhriso oo aynnu sugno is bedel dhoqso u dhaca inshaallaahu:
Cashadii gashaba waagu waa caynad gooniyahe
Caammadu waxay moodayaan curasho Dayreede
Cilmi Felegga way garan raggii Caalimka ahaaye
Anigaase Moorada cakiran kuu caddayn kara’e
Cirsan-ka-yeedhkii maantana warbuu sheegay Caliyo’e
Wuxu yidhi halkuu ku cuyubnaa cirirki soo dhaafye
Carruuraha la dhacay Awliyada laga cadhaysiiyey
Carshigaaba laga soo aqbalay cabashadoodiiye
Caawaa la kala soocayaa Caabud iyo Gaal’e
Casha aan fogeyn waxays beddeli ciidan fara weyne
Caaddaa rag koraybuu nabsigu hoos u soo celinne
Caanuhu dhawaan way ka quban ciil dar loo qabaye
Inay Curaddo khayr lihi kacaan ciiddan la arkeeye
Ceeryaamo Subaxeed nin nool curadka roob moodye
Marse haddii cadceed lagu dhexdaro wayska cidinciide
Caloolyow aan kugu raagihayn ciidda haw qodin’e
Cagta ii dhig waakaa nabsigi soo cadceedsadaye

Abdi Mustafe