Guddoomiye Ciro Oo Guurtida U Gudbiyey Qoraal Uu Ku Saxayo Xeerka Diiwaangelinta

Ciro  Ka

Nov 2, 2014 Hargeysa(SM) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa la sheegay inuu u gudbiyey shirguddoonka Golaha Guurtida qoraal sixid ah oo la xidhiidha qabyo-qoraalka xeerka diwaangelinta muwaaddiniinta iyo codbixiyeyaasha oo Guurtidu hore ugu celisay, kadib markii la ogaaday in lagu daray waxyaabo dheeraad ah oo aan ku jirin xeerkaas sidii mudanayaasha Wakiilladu ansixiyeen 30 September 2014.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey xalay, in guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro markale u gudbiyey shirguddoonka Guurtida, gaar ahaan guddoomiye Md. Saleebaan Maxamuud Aadan qoraal ujeedaddiisu tahay in lagu saxo afar qodob oo ku jiray xeerka guurtidu ku soo celiyeen shirguddoonka wakiillada maalintii Khamiista, qodobaddaas oo uu xusay inay si khaladan u raaceen qabyo-qoraalka Xeerka Diiwaangelinta Muwaaddiniinta iyo Codbixiyeyaasha ee Golaha Wakiilladu ansixiyeen.

Sida xoguhu iftiimiyeen, qoraalka dambe ee Guddoomiye Cirro, waxa lagu saxay qodobadda 7aad, 25aad, 26aad iyo 29aad ee Qabyo-qoraalka Xeerka Diiwaangelinta Muwaaddiniinta iyo Codbixiyeyaasha oo hore loogu geeyey Guurtida iyagoo khaladaad ka muuqdo, balse qodobadda cusub ee hadda loo gudbiyey shirguddoonka Guurtidu yihiin kuwa saxda ah ee la socda xeerka diiwaangelinta iyo lifaaqyadiisa Golaha Wakiilladu ansixiyey.

Khilaaf xooggan oo ka dhashay xeerka diiwaangelinta ee Golaha Guurtidu dib ugu celiyey Wakiillada, ayaa saamayn ku yeeshay saaxadda siyaasadda Somaliland toddobaadyadii u dambeeyey, iyadoo arrintaasi sababtay inuu burburo kal-fadhi aan caadi ahayn oo la iskugu yeedhay xildhibaannada Wakiillada 26 October 2014, kaasoo la doonayey in lagu ansixiyo xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, laguna dhegaysto khudbadda miisaaniyad-sannadeedka 2015, laakiin fadhigaas ayaa meesha ka baxay, kadib markii mudanayaasha muxaafidka ah diideen inay ka qaybgalaan, iyagoo ku dooday in marka hore la saxo khaladaadka ku jira xeerka diiwaangelinta.

Mudanayaasha muxaafidka ee Golaha Wakiillada, ayaa ku eedeeyey guddoomiyahooda inuu u gudbiyey Guurtida xeer been-abuur ah oo aan ahayn nuqulkii mudanayaashu goluhu ansixiyey, balse guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo xildhibaannada mucaaridka ee la safan ayaa eedayntaas iska difaacay, waxayna dhinacooda ku eedeeyeen xukuumadda iyo muxaafidiinta inay wadaan qorshayaal lagu khalkhalinayo doorashooyinka, muddo-kordhinna loogu samaynayo Madaxweyne Siilaanyo.

Hasayeeshee, qoraalka dambe ee Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) u gudbiyey shirguddoonka guurtida Khamiistii toddobaadkan, ayaa u muuqda inuu yahay mid lagu saxayo khaladaadka mudanayaasha muxaafidka ah ku eedeeyeen ee xeerka diiwaangelinta, gaar ahaan qodobadiisa 7aad, 25aad, 26aad iyo 29aad, iyadoo qodobadan dambe ee hadda la gudbiyey yihiin kuwa saxda ah ee ku jira xeerka diiwaangelinta muwaaddiniinta iyo codbixiyeyaasha ee xeer Lr.37/2007.

Salaanmedia/Hargeysa
Xigasho: Jamhuuriya