Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Si Deg-deg Ah Caawa Uga Soo Guureeyay Magaalada Burco Iyo Xaalada Golaha Wakiilada Oo Cakiran

Hargeysa-(SM):-Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo safar shaqo ku joogay Magaalada Burco, ayaa si ka deg deg ah uga soo baxay Magaalada Burco Habeenkan Caawa ah.

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa waxay u soo boqooleen Xarunta Dalka ee Hargeysa, Safarkan Guurada ah ee uu Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Caawa kaga soo Ambabaxay Burco ayaa ka dambeeyay ka dib markii Galabta ay Xukuumada Siilaanyo Inqilaab kula wareegtay Xarunta Baarlamanka Somaliland, iyadoo Golaha la wareegeen Ciidamada RRU-du.4
Xukuumada Siilaanyo ayaa isku diyaarinaysa in Maalinta Sabtida ah ay si xoog ah Xilka uga Qaado Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro.
Safarka Degdega ah ee uu Gudoomiyaha Xisbiga Waddani iyo Waftigiisu kaga soo baxeen Magaalada Burco ayaa waxa uu ku lug leeyahay Xaalada ku soo korodhay Golaha Baarlamanka ee ay Xukuumada Siilaanyo weerarka qaawan ku soo qaaday.

Salaanmedia/Burco