Guulwadeynta iyo Waji ku macaashka Somaliland ka istaadhmay Waxay khatar ku tahay Dawladnimada iyo Wada jirka Somaliland.

Guulwadeynta iyo Waji ku macaashka Somaliland ka istaadhmay Waxay khatar ku tahay Dawladnimada iyo Wada jirka Somaliland.
Marka hore waxaan halkan ka salaamaya warbaahinta xorta ah ee Somaliland iyo bulshada somaliland meel kasta oo ay jooganba.
Inta ka dib, waxaan qalinka u qaatay laba arrin oo anshaxa iyo akhlaaqiyaadka wanaagsan ee shacabka somaliland caanka ku yahay meel ka dhac ku ah oo in badan oo inaga mid ahi ay had iyo jeer ku arkaan bulshadeena siiba xaga dhaqanka , siyaasada iyo nolosha guud ee ijtimaaciga ah. Dhaqanadaas oo ah kuwo liidnimo iyo ducufi ku ah hab nololeedka wacan ee bani aadan u nool yahay iyo karaamada Ummad meel ku nool oo ku abtirsada dhaqan wacan iyo diinteena Islaamka ah ee Ilaahay ( SCW) inagu galaday.
Akhristow, dhaqanadaas aan soo sheegay oo bulshadeena somaliland aad ugu soo badanaya muddooyinkan danbe oo imika iska noqday wax caadiya ayaa ah wax qof damiir lihi ogoleyn oo qof kasta oo inuun damiir wacan lehi aanu si dhayal ah u qaadanaynin oo naftu ay diidayso. Haddba, dhaqanadaas aan sheegay ee markasta TV iyo Jaraaidka iyo Mareegaha wararka aynu ku aragno ama goobaha bulshadu ku kulanto (fadhi ku dirirka & Marfashyada iwm) ayaa ah Guulwadeynta iyo Weji ku macaashka oo beryahan danbe si xawliya ku socoda Somaliland.
Haddba, Bal aynu dul istaagno mid mid si aynu u fahano saameynta taban ee labadan qolo ay halista ugu yihiin bulshadeena :

Guulwadeynta:

Akhristow, bal aynu sharaxno guulwade wuxuu yahay si aynu isu la fahano waxa dhaqanka guulwadeyntu yahay ee somaliland ka dilaacay tobankii sano ee u danbeeyey, kelmeda Guulwade ayaa ah Erey si xoog leh u soo shaac baxay xiligii kacaanka ee dawladii dimqradiga Soomaaliyeed ee uu hogaamin jiray Siyaad Bare ( AHX) iyada xaafad kasta lahayd Hanuunin, halkaas oo ay ka diwaangashanayeen qolyo la yidhaa Guulwadayaal inta badan marka si hoose loo fasiro ah Nacamlayaal dadka u basaasa Dawladii Kacaanka ama tageero dhego iyo Indho la’aan ah u muujiya dawlada siyaabo kale duwan. Haddba, Dhaqanka guulwadeynta oo ah mid xawli ku socoda oo axsaabta Qaranka somaliland la jaanqaday iyo habka geedi socodka dimqraadiyada somaliland ayaa ah mid khatar ah oo jar ka tuuri kara somaliland

unnamed

haddii aan hore wax looga qaban ama aan bulshada laga wacyi gelin. Guulwadayaasha Somaliland ka hano qaaday ayaa ah kuwo aan lahayn mabad’a ( lack of Principle) oo maalinba awr lagu kacsado siyaabo kale duwan iyada oo loo isticmaalyo habab kale duwan oo ay ka mid yihiin Dhaameel, tolaay ka soo kac ( Qabyaalad), Qaad IWM. Caadooyinka Gaar u leeyihiin qolyahani ayaa ah kuwan hoose ku xusan:

Wax leeyihiin Marfashyo si gaar ah loogu biiliyo oo ay biiliyaan siyaasiyiin ama Axsaabta Siyaasada ee la haybta ah.
Shaqadoodu waa tageero indho la’aan ah sax iyo khalad kay doonto ha ahaato iyaga oo tageero reernimo ay u badan tahay arrinkoodu had iyo jeer.
Waxay inta badan soo fadhiistan muuqbaahiyaasha (TVyada) iyaga oo inta badan tageeraya siyaasi, beel ama Shirkad ay la hayb yihiin.
Talo adduun Sheekadoodu waa Siyaasi hebel waa Libaax Sanka taabte
Waxay dayaceen dantoodii Gaar ahaaneed ee qofnimo ama reernimo Iwm.
Waxay inta badan la cadhoodan siyaasi hebel marka la eryo waxayna u badan yihiin inay u kala dabqadan ama u digorogtan kolba xisbiga siyaasigoodu galo.
Waxay u badan yihiin Maxaad maanta Gubta ( afka gelisa qaad iyo Hilib), haddii inta helo na waa Dhageyso ama ha dhageysan sheekadiisu.
Waa ma xishoodayaal xaaran iyo xalaal midna aqoon oo aragti dheer lahayn had iyo jeer marka aad is tidha sax kula kacaya meel isaga bugta oo ah siyaasiga hebel ayuu u jeeda ama beel heblaayo, waana nooc ku cusub bulshadeena oo u baahan wacyigelin balaadhan oo la mid ah Ololaha Talaalka Dabaysha oo kale si aanay u sadhaynin bulshada weli ka bad qabta guulwadanimada.

Kooxda Waji ku Macaashka ( Ku shuboo ku Hadal intaad doonto) :

kooxdan weji ku macaashka waxay isugu jiraan dad madaxdhaqameedka biis ah iyo kuwo la yidhaa suldaan kulaale iyo afmiishaaro Waxayna soo barnaamijkooda waji ku macaashka ahi u xoogaystay intii xukumada silaanyo ay xunka qabtay. Waana kooxda ugu khatarsan ee beryahan danbe sida xawliga ah ugu soo kordhay geyigeena Somaliland waa nooc ka mid ah jilaafooyinka ay bulshadeenu kala kulantay dhinaca dhaqanka oo ay in badan somaliland ku soo caano maashay sida dhincyada dejinta colaadaha, dibu heshiisinta iyo hogaaminta intaba, waxaana imika u muuqda dhaqankii madaxdhaqameedku ee somaliland in lagu soo duulay oo ay ku soo duuleen kuwo wax ma garto ah iyo siyaasiyiin qeyrul masuul ah oo danahooda gaar ka ah ku fushada iyaga oo aan eegin cawaaqib ka dhalan kara. Haddba, Akhristowo si aad u fahanto iyana bal eeg cadooyinkooda taban ee bulshada u leeyihiin:

Waxay caan ku yihiin Koofiyad, Macwiis, Cumaamad iyo bakoorad keliya oo aanay wehelin wax kale.
Cid dooratay ama caleemo saartay ma jirto ee nin walba gurigiisa ayuu hoosta ka xidhay oo isku caleemo saaray.
Waxay kooxdani ka hadlaan wax aanay cid u diran noocay doonanba siyaasad, dhaqaale, dhaqan , sugaan, maweelo caruureed iwm.
Wuxuu leeyahay Marfash u gaar ah oo ugu khalaaweeyo suldaan kale oo isla beeshiisa ama jufadiisa ah oo u ka soo horjeedo oo ay ugu afduuban yihiin in yar oo guulwadayaal ah oo aan badaneyn.
Sheekadiisu waa ku shuboo ku hadal inta aad doonto, oo arrinkasta oo uu gelaayo waa in sidii prepaid ka lagu shubto lacag, qaad Iwm si uu Tvyda uga bilaabo hujuunka cida loogu soo shubtay inuu ku tufo.

Guntii iyo gebogebadii, Somaliland maanta waxa ka jira nidaam inkasta oo u qeyb ka yahay dhiiri gelinta guulwadayaasha iyo weji ku macaasha haddana waxa loo baahan yahay dawlad iyo shacaba in la iska kaashado sidii dhaqanadan foosha xun loo cidhib jari lahaa inta ayna qori dab leh inagu qaban.

Saeed Abdullahi Dualeh
Ã¥Bristol, Uk.