Haweeney caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

gun

Xoogag hubeysan oo aan la garanayn cidda ay ka tirsan yihiin, ayaa waxay caawa haweeney ku dileen Magaalada Muqdisho, waxayna dilka ka dib isaga taggeen goobtii ay ku dileen.

Dilka waxa uu ka dhacay Warshaddii Kabka ee Degmada Hodan, waxaana geystay rag bistoolado ku hubeysnaa oo wejiyada soo xirtay, lama garanaayo baahida keentay inay dilaan haweeneydaasi.

Haweeneyda oo dadka deegaanka ka mid ahayd, ayaa waxaa magaceeda lagu sheegay Hodan Cali, iyadoona ka mid ahayd dadka caadiga ah ee halkaasi ku dhaqan, mana jirin wax xiriir ah oo sida la sheegay kala dhaxeeyay dhinacyada dalka isku haaya.

Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida oo gaaray halka Hodan Cali lagu dilay, ayaa waxay ka sameeyeen baaritaano la xiriira kuwii dilka geystay, walow aynaan ku guuleysan soo qabashadooda.

Askarta, ayaa meydka haweeneyda waxa ay geeyeen Xarunta Dembi Baarista CID, oo ku taala ka soo horjeedka Hotel Saxafi ee Isgoyska KM4.

Laamaha ammaanka, ayaan wax war ah ka soo saarin haweeneyda caawa lagu qaarajiyay Magaalada Muqdisho.

Tani waxay ku soo aadeysaa, iyadoo maalintii shalay ahayd laba hablood lagu dilay xaafada Mac Macaanka ee Degmada Dharkiinley.

Salaanmedia/Moqdisho